Halyeeyada Olombikada Itoobiya oo ku biiraya dagaalka TPLF

Image
Image
Dhawaqan ayaa yimid markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu shalay kasoo muuqdey jiida hore ee dagaalka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Halyeeyadii Olombikada Itoobiya Haile Gebrselassie iyo Feyisa Lilesa ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay safka hore tagaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga fallaagadda ah.

Dhawaqan ayaa yimid markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed shalay kasoo muuqdey jiida hore ee dagaalka.si uu dagaalka u hogaamiyo. Fallaagada Tigreega ayaa sheegay in ay ku sii siqayaan caasimada Addis Ababa.

Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyay ee kula taliya muwaadiniintooda inay isaga baxaan dalka Itoobiya, iyadoo ay sii kordhayaan dagaallada sokeeye.

Talaadadii, ergeyga Mareykanka ee gobolka Jeffrey Feltman ayaa ka digay in horumarka diblumaasiyadeed ee ku aaddan soo afjaridda iskahorimaadka ay halis gelinayaan horumarka naxdinta leh ee goobta.

TPLF ayaa horaantii asbuucan sheegtay inay la wareegeen magaalada Shewa Robit oo qiyaastii 225km dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Addis Ababa. Ma jiro xaqiijin madaxbannaan oo sheegashada.

Dagaalkan sanad-jirsadey ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo oo aad u balaadhan, waxa ku dhintay kumanaan qof, malaayiin qofna waxa ay ku qasbeen guryahoodii.

Sida ay sheegtay UN-ka, dhawr boqol oo kun qof kale ayaa u galay xaalado macaluul ah, iyada oo hay’adaha gargaarku ay dagaal ugu jiraan sidii ay cunto uga heli lahaayeen goobaha ay dagaaladu saameeyeen.

Ururka qaaradda ee Midowga Afrika ayaa wuxuu hormuud ka yahay dadaallada lagu doonayo in wadahadal lagu dhammeeyo dagaalka, balse labada dhinac midkoodna ma uusan go'aamin wadaxaajoodyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM