Hogaamiyaha afgembigii Guinea oo madaxwayne loo dhaariyey

Image
Korneylkan uu tababaray Faransiiska ee 41 jirka ah ayaa noqday hoggaamiyaha labaad ee ugu da’da yar Afrika.

CONAKRY, Guinea - Mamady Doumbouya ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Guinea kadib markii 5-tii September  uu hogaamiyay afgambigii dhicisoobay ee lagu riday xukunkii Alpha Condé.

Korneylkan uu tababaray Faransiiska ee 41 jirka ah, ayaa noqday hoggaamiyaha labaad ee ugu da’da yar Afrika, ka dib Assimi Goïta oo 38 jir ah kaasoo xukunka Mali.

Doumbouya ayaa laga mamnuucay inuu ka qaybgalo doorashooyinka la qorsheynayo mustaqbalka kuwaasoo dib loogu soo celinayo nidaamkii rayidka lagu dhawaaqay toddobaadkan.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in howshiisu ay tahay "dib u dhiska dowladnimada" isagoo qoraya dastuur cusub, wax ka qabashada musuqmaasuqa, beddelidda nidaamka doorashada iyo meel -marinta "doorasho xor ah, lagu kalsoonaan karo oo hufan", sida wakaaladda wararkaee Faransiiska laga leeyahay ee AFP.

Sarkaalkan oo hogaaminayey inqlaabka dunida cambaareysay ayaa wuxuu kaloo ballanqaaday inuu "ixtiraami doono dhammaan ballanqaadyadii qaranka iyo kuwa caalamiga ahaa ee dalku ka mid noqday".

Muddadii 15-ka sano ahayd ee uu ku jiray milateriga, Doumbouya ayaa ka soo shaqeeyay Afghanistan, Ivory Coast, Jabuuti, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo ilaalinta danaha Israel, Qubrus, UK iyo Guinea.

Hoggaamiyaha cusub ee Guinea ayaa saaxiib la ah ninka kale ee afgambiga kula wareegay Mali - Madaxweyne Goïta, sida lagu qoray website-ka wararka ee Afrika Guinea.

Isla wareegan ayaa wariyey in labada shaqsi ay 2018-kii kaga qeybgaleen Burkina Faso tababar uu soo qabanqaaniyey Mareykanka kaasoo talagalay taliyayaasha ciidamada gaarka ah ee gobolka Galbeedka qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM