Hogaamiyaha afgembigii Guinea oo madaxwayne loo dhaariyey

Image
Korneylkan uu tababaray Faransiiska ee 41 jirka ah ayaa noqday hoggaamiyaha labaad ee ugu da’da yar Afrika.

CONAKRY, Guinea - Mamady Doumbouya ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Guinea kadib markii 5-tii September  uu hogaamiyay afgambigii dhicisoobay ee lagu riday xukunkii Alpha Condé.

Korneylkan uu tababaray Faransiiska ee 41 jirka ah, ayaa noqday hoggaamiyaha labaad ee ugu da’da yar Afrika, ka dib Assimi Goïta oo 38 jir ah kaasoo xukunka Mali.

Doumbouya ayaa laga mamnuucay inuu ka qaybgalo doorashooyinka la qorsheynayo mustaqbalka kuwaasoo dib loogu soo celinayo nidaamkii rayidka lagu dhawaaqay toddobaadkan.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in howshiisu ay tahay "dib u dhiska dowladnimada" isagoo qoraya dastuur cusub, wax ka qabashada musuqmaasuqa, beddelidda nidaamka doorashada iyo meel -marinta "doorasho xor ah, lagu kalsoonaan karo oo hufan", sida wakaaladda wararkaee Faransiiska laga leeyahay ee AFP.

Sarkaalkan oo hogaaminayey inqlaabka dunida cambaareysay ayaa wuxuu kaloo ballanqaaday inuu "ixtiraami doono dhammaan ballanqaadyadii qaranka iyo kuwa caalamiga ahaa ee dalku ka mid noqday".

Muddadii 15-ka sano ahayd ee uu ku jiray milateriga, Doumbouya ayaa ka soo shaqeeyay Afghanistan, Ivory Coast, Jabuuti, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo ilaalinta danaha Israel, Qubrus, UK iyo Guinea.

Hoggaamiyaha cusub ee Guinea ayaa saaxiib la ah ninka kale ee afgambiga kula wareegay Mali - Madaxweyne Goïta, sida lagu qoray website-ka wararka ee Afrika Guinea.

Isla wareegan ayaa wariyey in labada shaqsi ay 2018-kii kaga qeybgaleen Burkina Faso tababar uu soo qabanqaaniyey Mareykanka kaasoo talagalay taliyayaasha ciidamada gaarka ah ee gobolka Galbeedka qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM