Hogaamiyaha cusub ee koox xiriir la leh ISIL oo la khaarijiyey

Image
Malam Bako ayaa dhowaan bedelay Abu Musab al-Barnawi kaasoo qudhiisa la sheegay in uu dhintay.

ABUJA, Nigeria - La-taliyaha amniga qaranka Nigeria ayaa sheegay in la dilay hoggaamiyaha cusub ee koox jihaad doon ah oo ku sugan Nigeria oo xiriir la leh Dawladda Islaamka.

Babagana Monguno ayaa u sheegay suxufiyiinta Jimcihii in Malam Bako oo dhowaan Abu Musab al-Barnawi ka jagadda hoggaamiyaha Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Galbeedka Afrika (Iswap), ay ciidammada ammaanku "ay dunida ka ciribtireen" laba maalmood ka hor.

Geerida Al-Barnawi ayaa toddobaad ka hor waxaa ku dhawaaqay isla ciidamadda Nigeria. Hase ahaatee, illaa haatan wax war ah qadiyadan kama soo saarin maleyshiyadda.

Bishii Agoosto ayaa Bako waxaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha Shuurada, oo ah golaha wada-tashiga ee ISWAP, iyadoo kooxdu ay xoojisay booskii ay ku lahayd harada Lake Chad kadib geeridii hoggaamiyihii kasoo horjeeday Abubakar Shekau ee kooxda Boko Haram.

Dilalka la soo sheegay ee al-Barnawi iyo Bako ayaa xoojiyey walaaca colaadda woqooyi-bari Nigeria, oo 12 sano ka hor ka bilaabmay kacdoon hubaysan oo ay bilaabeen Boko Xaraam.

Nigeria ayaa sidoo kale la daalaa dhaceysa weerarro ba’an oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo afduub u geysta ardayda iskuulada si ay madaxfurasho uga helaan.

IS ayaa isku dayday inay ka faa’iidaysato geerida Shekau iyada oo bilawday qorshe shaqo oo muhiim ah oo ay ku heshay dhulal badan oo ay Boko Xaraam haysato, gaar ahaan kaynta Sambisa.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa qiyaasaya in colaadda Nigeria ay ku nafwaayeen 350,000, iyada oo 314,000 oo ka mid ah ay si aan toos ahayn ugu dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM