Hogaamiyaha mucaaradka Uganda oo la dhigay xabsi guri

Image
Wine ayaa waxa uu kaalinta labaad galay doorashadii xamaasadda badnayd ee bishii January.

KAMPALA, Uganda – Hogaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay isku gadaameen hoyga uu degan yahay ayna ku xireen xabsi guri ka hor isu soo bax la qorsheeyay.

Qoraalo xiriir ah oo uu soo dhigay Twitter-ka Talaadadii, ayuu fannaanka isku beddelay siyaasiga, oo dhowr jeer la xiray sannadihii u dambeeyay, wuxuu ku caddeeyay in askar booliis iyo milateri ah oo habeen hore la geeyay ay u diideen inuu ka baxo gurigiisa oo ku yaal Makere oo ku yaalla waqooyiga caasimadda Kampala.

Bobi Wine, oo magaciisa saxda ah yahay Robert Kyagulanyi, ayaa Talaadadii lagu waday inuu u ololeeyo taageerada musharraxa mucaaradka ee u tartamaya doorashada ku celiska ah ee degmada Kayunga ee bartamaha dalkaasi, halkaas oo la filayo in Museveni uu ku qabto isu soo bax.

Wine ayaa waxa uu kaalinta labaad galay doorashadii xamaasadda badnayd ee bishii January, taasoo Museveni ku celisay xukunka markii lixaad.

Codeynta ayaa la qabtay Internet-ka oo maqan kadib ololeyaal ay musharixiinta mucaaradka si caadi ah uga hortageen booliska, waxaana dad badan toogasho ku dilay ciidamada ammaanka.

Xiisadaha doorashada ka hor ayaa la karkariyey intii lagu jiray mudaaharaadyo ka dhashay xariga Bobi Wine. Rag dhalinyaro ah ayaa taayaro ku gubay jidada, waxaana ciidamada ammaanka ay dileen ugu yaraan 54 qof.

Mareykanka ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah taliyaha sirdoonka militariga Major General Abel Kandiho, isagoo ku sababeeyay ku lug lahaanshaha xad gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin garaacis, faraxumeyn iyo koronto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM