Hogaamiyihii Mucaaradka Zimbabwe oo geeriyooday

Image

Johannesburg - Waxaa caawa fiidkii Isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ku geeriyooday hogaamiyihii mucaaradka wadanka Zimbabwe, Morgan Tsvangirai.

Sarkaal katirsan Xisibigiisa MDC ayaa xaqiijiyay in Tsvangirai uu u geeriyooday xanuunka Kansarka dhanka caloosha uga dhacay, oo mudo la xanuunsanayay.

Tsvangirai ayaa da'diisu ahayd 56 jir.

Hogaamiyahan ayaa mar Ra'iisul Wasaare kasoo noqday dalka Zimbabwe, wuxuuna ahaa siyaasi caan ah, oo dhowr jeer ay xabsi gelisay dowladda Robert Mugabe.

Doorashadii 2008, Tsvangirai ayaa helay codadkii ugu badnaa wareegga kowaad, balse waxaa uga guuleystay Robert Mugabe kadib markii uu isaga baxay doorashada.

Doorashadaasi oo ay hareeyeen musuq iyo ku shubasho codadka, ayaa ugu dambeyntii waxay ku heshiiyeen isaga iyo Mugabe inuu noqdo Ra'iisul Wasaare.

Tsvangirai ayaa markale la tartamay Mugabe 2013, haddana markale ma guuleysan.

Morgan Tsvangirai

Wuxuu ahaa hogaamiye aan cabsan, rug-cadaa u dagaalama dimuqraadiyadda dalkiisa Zimbabwe oo mudo tobonaan sano ah ku jiray xukun kaligii-talis ah.

Xisbiga MDC ayaa ka fekeryay musharaca doorashada sanadka ka dhacaysa Zimbabwe ugu tartami lahayd, maadaama uu xanuunsanayay Tsvangirai.

Morgan Tsvangirai - 1952-2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM