Hooyadda Cabdi Iley oo baaq culus u dirtay Mustafa iyo Abiy Axmed [DAAWO]

Image

JIGJIGA - Fariin muuqaal ah oo ay soo duubtay Hooyadda dhashay Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Illey ayaa kaga codsaday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxwaynaha DDSI inay cafis ufidiyaan wiilkeeda.

Diid Mahad Collow, oo ah Hooyadda Cabdi Iley ayaa sidoo kale ka dalbadatay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan cid walba oo wax ka tirsaneysa wiilkeeda inay iska cafiyaan, ayna ka qayb qaataan dadaalada lagu soo daynayo.

Madaxwaynihii hore ee DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Iley] ayaa la dhigay xabsi ku yaala caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, isagoo lagu eedeeyay inuu ku tuntay Xuquuqda Bani'aadamka mudadii uu xafiiska joogay xili maxkamad lasoo taagay.

"Wiilkeyga wuxuu ku jiraa gacan cadow, waxaan ka codsanayaa cid walboo wax ka tirsaneysa, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, iyo Madaxwaynaha DDSI inay iska cafiyaan," ayey ku codsatay fariin muuqaal ah oo soconeysa ku dhawaad Hal daqiiqo.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey carabka ku dhufatay in wiilkeeda uu ku xanuun-sanayo gudaha Xabsiga, inkastoo aanan lahaynin caddeymo dheeri ah oo taasi muujinaya ma jiro war rasmi ah oo arrintaasi ay kasoo saartay dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horey ugu dhawaaqday in 17-ka September dib loo bilaabo doono dhageysiga dacwadda Cabdi Iley, waxaana dacwad-ogayaasha la siiyay fursad ay weydiiyaan su'aallo dheeri ah oo ku saabsan dacwadaha isaga loo haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM