Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Image

Ouagadougou, Burkina Faso — Hoggaamiyaha militariga ee Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, oo 37 jir ah, ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay indhaha Afrika iyo caalamka, kadib markii uu dhisay sawir hoggaamineed oo uu iskaga dhigay halyey Pan-African ah oo u taagan sidii Afrika looga xoreyn lahaa faraha gumeystaha reer galbeed iyo nidaamka gumeysi dambe (neo-colonialism).

Traoré ayaa hoggaanka dalka qabtay kadib afgembi uu sameeyay sanadkii 2022. Tan iyo markaas, wuxuu si degdeg ah u beddelay jihada siyaasadeed iyo midta dhaqaale ee dalka, isagoo xiriirka u jaray awoodii gumeystaha hore ee Faransiiska, kuna leexday dhinaca Ruushka, halkaas oo uu ka helay taageero millatari iyo mid siyaasadeed.

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka: "Saameynta Traoré waa mid aad u weyn. Waxaan maqlay siyaasiin iyo qoraayaal ka tirsan dalal sida Kenya oo leh: 'Waa kan, waa hoggaamiyihii aan sugeynay'."

Waxay intaas ku dartay in fariimaha Traoré ay la jaan qaadayaan waayaha hadda la joogo, iyadoo Afrikaan badan ay isweydiinayaan sababta xiriirka reer galbeedka aan u keenin horumar, iyadoo qaaradda hodan ku tahay kheyraadka dabiiciga ah.

Isbedelada Dhaqaale iyo Kheyraadka

Traoré ayaa sidoo kale dhaqangeliyay siyaasado dhaqaaleysan oo bidix u janjeera. Waxa uu bilaabay shirkad qaran oo maamula kheyraadka macdanta, isagoo shuruud uga dhigay shirkadaha shisheeye inay 15% saamiga mashruucyadooda siiyaan dowladda, isla markaana ay tababaraan dadka dalka u dhashay.

Shirkadda Ruushka ah ee Nordgold, oo kamid ah kuwa heshiisyo cusub la galay dowladda bishii Abriil, ayaa iyadana lagu qasbay shuruudahaas, waxaana tani qayb ka tahay waxa Traoré ugu yeero "Kacaankii Macdanta", oo lagu doonayo in shacabka Burkina Faso ay si toos ah uga faa’iidaystaan dahabka dalka.

Waxaa sidoo kale laga dhisayaa warshad lagu sifeeyo dahabka iyo keyd dahab qaran — waana markii ugu horreysay ee taariikhda dalkaas la sameeyo kayd dahab qaran.

Shirkadaha Reer Galbeedka oo Wajaha Culeys

Dhinaca kale, shirkadaha reer galbeedka ayaa wajahaya duruufo adag. Shirkadda Sarama Resources ee fadhigeedu yahay Australia ayaa dacwad u gudbisay maxkamad caalami ah kadib markii laga qaaday rukhsaddii sahaminta sanadkii 2024.

Sidoo kale, xukuumadda Traoré ayaa la wareegtay laba ka mid ah goobihii dahabka ee ay hore u maamuli jirtay shirkad laga leeyahay UK, iyadoo sheegtay in qorshuhu yahay in la wareego inta badan hantida macdanta ee ay gacanta ku hayaan shirkadaha shisheeye.

Halyeyga Cusub ee Afrika?

Traoré ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu caansan Afrika xilligan, iyadoo dad badan ay ku barbardhigayaan Thomas Sankara — hoggaamiyihii hore ee Burkina Faso iyo halyaygii kacaanka Afrikada galbeed.

"Traoré wuxuu hadda noqday madaxweynaha ugu caansan Afrika, haddii uusan ahayn midka ugu jecel," ayuu yiri Enoch Randy Aikins, cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga ee Koonfur Afrika.

Saamayntiisa siyaasadeed, midda qaranimo iyo fariimihiisa kasoo horjeeda reer galbeedka ayaa sii kordhinaya taageerada uu ka helo dhalinyarada iyo kooxaha isbeddel-doonka ah ee qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM