ICJ oo Uganda ku xukuntay bixinta $325 milyan magdhow ah

Image
Lacagtan waxaa qaadanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC).

ADDIS ABABA, Ethiopia - Maxkamadda sare ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ku xukuntay Uganda inay siiso Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) aduun lacageed dhan $325m oo magdhow ah.

Xukunka ayaa salka wuxuu ku haayaa dagaalkii "bahalnimada ahaa ee dhexmaray labaddan dal ee dariska ah kaasoo billowday dabayaaqadii sanadkii 1990-meeyadii.

"Maxkamaddu waxay xustay in mag-dhowga DRC lagu siiyay waxyeellada dadka iyo hantida ee ka tarjumeysa dhibta soo gaartay shakhsiyaadka iyo bulshooyinka soo gaarey ee meel ka dhaca ku ah shuruucda caalamiga ah," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ahna garsoore u dhalatay dalka Mareykanka ee Joan Donoghue.

Amarka magdhawga ah ayaa wuxuu yimid in ka badan 15 sano kadib markii maxkamada Qaramada Midoobay ay ka soo saartay go’aan adag oo ka kooban 119 bog.

Go'aankaas wuxuu weerar ciidamada Uganda ku qaadeen DRC u aqoonsadey mid jabiyay sharciga caalamiga ah. Sannadkii 2005-tii maxkamadda ICJ waxay xukuntay in Uganda ay bixiso magta, laakiin ma dhibin.

Lacagta la bixiyay ayaa aad uga hooseysa codsigii loogu talagalay ee ahaa in ka badan $11 bilyan oo magdhow ah taasoo DRC ay dalbatay sababo ku aadan xasaradaha ka oogan gobolka waqooyi-bari ee Ituri.

Xukunka fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dharbaaxo ku ah DRC kadib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah oo lagu doonayay in magdhow lagu bixiyo iskahorimaadyadii ba'naa ee 1998-2003 oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM