In ka badan 90 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Mozambique

Image
Carruur badan ayaa ka mid ahaa rakaabka waxaana la sheegay in ay qaarkood ku nafwaayeen dhacdadan.

MAPUTO, MOZAMBIQUE -
In ka badan 90 qof ayaa dhintay kadib markii dooni macmal ah oo buux dhaafiyay ay ku degtay waqooyiga xeebta Mozambique, sidda ay sheegeen maamulka deegaanka Axadii.

Doontan kaluumeysi ayaa waxaa saarnaa ilaa 130 qof, waxaana ay la kulantay dhibaato, xilli ay isku dayeysay in ay gaarto jasiirad ka baxsan gobolka Nampula, sida ay saraakiishu sheegeen.

"Sababta oo ah doontu aad ayay u buux-dhaaftay, mana ku habboonayn in ay rakaab qaado, aakhirkiina way degtay... Waxaa jira 91 qof oo naftooda ku waayay," ayuu yiri xoghayaha gobolka Nampula Jaime Neto.

Carruur badan ayaa ka mid ahaa dhibanayaasha, ayuu raaciyay.

Samatabbixiyeyaasha ayaa helay shan qof oo badbaaday, waxaana ay baadi goobayeen dad kale, balse xaaladda badda ayaa ka dhigaysa mid adag.

Inta badan rakaabku waxa ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan dhul waynaha sababta oo ah argagaxa ka dhashay macluumaad khaldan oo ku saabsan daacuunka, Neto ayaa yidhi.

Dalka ku yaalla koonfurta Afrika, oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan adduunka, ayaa diiwaangeliyay ku dhawaad ​​15,000 oo xaaladood oo ah cudurka biyaha ka dhasha iyo 32 dhimasho ah tan iyo bishii Oktoobar, sida lagu sheegay xogta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM