Inqilaab milatari oo ka dhacay Sudan; xukuumada oo la kala diray

Image
Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex jiray militariga iyo xukuumadda rayidka ah ee talada dalkaasi sida wadajirka u hayay.

KHARTUUM, Sudan - Jeneraalka ugu sarreeya Sudan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray mas’uuliyiintii hoggaaminayey dowladdii rayidka ee ku-meel gaarka aheyd, isaga oo ku dhowaaqay dhismaha dowlad cusub.

Hadalka Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo laga baahiyey taleefishinka ayaa yimid saacado kadib markii ciidamada ay xireen ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk iyo wasiiro kale.

“Si aan u saxno waddada kacaanka, waxaan ku dhowaaqnay xaalad deg deg ah, waxaan kala dirnay golihii ku-meel gaarka ee qarannimada, waxaan kala dirnay golihii wasiirada,” ayuu yiri.

Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex jiray militariga iyo xukuumadda rayidka ah ee talada dalkaasi sida wadajirka u hayay tan iyo markii talada laga eryay madaxweynihii hore ee dalkaasi Omar al-Bashir.

Wasaaradda warfaafinta ayaa goor sii horeysay sheegtay in adeegyada internet-ka laga jaray dalka oo dhan, waxaana la xiray waddooyinka waaweyn iyo buundooyinka isku xira Khartoum.

Askarta ayaa xoog ku galay xarunta idaacadda dowladda Sudan oo ku taal magaalada Omdurman ee mataanaha la ah caasimadda, sida ay sheegtay wasaaraddu, iyadoo heeso waddani ah uu TV-gu baahinayay.

Dadku waxay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo taayirrada taagaya oo dhisaya leyliyo jidadka si ay u xiraan iyagoo ka soo horjeeda tallaabada milateri, sida uu sheegay weriye ka tirsan AFP.

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan geeska Africa Jeffrey Feltman ayaa sheegay in “Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay wararka sheegaya in militarigu ay taladii kala wareegeen xukuumaddii KMG ahayd.”

Waxa uu sheegay in isbadal kasta oo qasab ah oo ka dhan ah xukuumadda KMG ah ay caqabad ku tahay taageerada Mareykanka. Qaramadda Midoobay ayaa iyana ku tilmaamtay xariga mid aan la aqbali karin.

VOA + AFP

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM