Ismaaciil Cumar Geelle Oo Mar Lixaad U Tartamayo Doorashada Jabuuti 2026

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo xilka hayey tan iyo 1999, ayaa sheegay inuu u tartami doono mar lixaad doorashada sanadka dambe, inkasta oo dastuurku mamnuucayo inuu tartamo da'diisa darteed, sida lagu sheegay wareysi uu siiyay The Africa Report.

Markii lagu weydiiyay suurtagalnimada inuu u tartamo doorashada April 2026, 77-jirkan ayaa yiri: “Jawaab kama bixin karo hadda arrintaas.”

“Waxa kaliya ee aan sheegi karo waa inaan aad u jeclahay wadankayga,” ayuu raaciyay.

Inuu u tartamo doorashada 2026 waxay u baahan tahay beddelka dastuurka, kaas oo mamnuucaya musharaxiinta da’doodu ka weyn tahay 75 sano.

Geelleh,  ayaa ku guuleystay 97 boqolkiiba codadkii doorashadii 2021, waxaana xisbigiisa UMP hadda haysta aqlabiyadda baarlamaanka.

Geelleh ayaa xilka kala wareegay Hassan Gouled Aptidon — oo Jabuuti u horseeday xorriyadda Faransiiska 1977 — ka dib markii uu 22 sano u ahaa madaxa shaqaalaha.

Jabuuti waa dal xasilloon oo ku yaal gobol dhibaatooyin badan leh, waxaana uu noqday saldhig istiraatiiji ah oo muhiim u ah quwadaha waaweyn, iyadoo Mareykanka, Faransiiska, iyo Shiinaha ay dhammaantood halkaas ku leeyihiin saldhigyo militari.

Waddanka Geeska Afrika, oo xuduud la leh Itoobiya, Soomaaliya, iyo Eritrea, waa mid ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, oo leh qiyaastii hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM