Ismaamulka Soomaalida oo war kasoo saarey "baacsiga" TPLF
MUQDISHO, Soomaaliya - Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa taageero weyn u muujiyey gulufka xukuumadda Abiy Axmed ay ku beegsaneyso kooxda TPLF ee gobolka waqoyga dhaca ee Tigray.
Qoraal kasoo baxay golaha fulinta xukuumadda Mustafa Cagjar ayaa lagu caddeeyay in ay dedaal badan ku bixin doonan sidii aysan dib dambe talada ugu soo laaban TPLF "oo dhibaateysay shacabka Soomaalida".
Hoos ka akhriso qoraalka
Sida la wada ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka Deegaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin ballaadhan iyo dhibaatooyin baaxad leh; dhibaatooyinkasina bulshada Soomaaliyeed si dhab ah ayay uga wada dharagsan yihiin.
Gafafkii ballaadhnaa ee soddonkii sano ee la soo dhaafay ay TPLF bulshada Soomaalida u geysatay waxa ay ku reebeen dadka Soomaaliyeed saamayn ballaadhan dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalahaba.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay isbaddalkii kaddib dowladda Deegaanka Soomaalida iyo hoggaaminteeda oo isku duuban waxa ay xoogga saartay in shacabka Soomaliyeed laga dulqaado dhibaatadii ay muddada soddonkaa sano ah u gaysatay, waxaana la sameeyay jihooyin kala duwan oo lagu badbaadinayay shacabka Soomaliyeed.
Muddadaasi saddexda sano ah waxaa la qaaday jid walba oo ummadda Soomaaliyeed lagaga samata bixin karo hadimooyinkii baaxadda lahaa ee ay TPLF shacabka u geysatay. Waxaana lagu guuleystay in laga soo gudbo talooyinkii ay janaraaladdii TPLF talisyadooda uga soo go'aamin jireen iyo argagixii shacabka la galin jiray.
Maanta ma jirto, mana jiri doonto in ay soo noqdaan dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed ay TPLF gaadhsiisay, mid degaanka laga ogolaanna ma aha.
Dowladda Deegaanka Soomaalida waxa ay aaminsan tahay in masiirka shacabka Soomaalidu ku jiro gacanta shacabka Soomaaliyeed, nooc walba ha ahaadan ee, sidaas darteedna ay go'aanka iyo taladuba ay ka soo go'ayso shacabka Soomaalida.
Ugu dambayn, Dowladda Deegaanka Soomaalida waxa uu waajib ka saaran yahay nabadda iyo horumarka shacab-weynaha Soomaalida, waxa ayna dowladdu caddaynaysaa in ayna imaan doonin gacan shisheeye, lana ogolaan doonin.
Abiy Axmed ayaa todobaadkan wuxuu ugu baaqay shacabka Itoobiyaanka ah in ay hubka qaataan kuna garab-siiyaan ciidamada sidii ay u soo afjari lahaayeen TPLF oo uu ku sifeeyay in ay tahay koox argagixiso ah.
GAROWE ONLINE