Itoobiya iyo Jabuuti oo Xoojinaya Iskaashiga Milatari si looga Hortago Khataraha Gobolka Geeska Afrika

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Luulyo 30 — Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa xoojinaya xiriirkooda iyaga oo ku tallaabsaday iskaashi istiraatiiji ah oo dhanka milatariga ah, xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo khataro halis ah oo ka imaanaya kacdoonno iyo argagixiso soo kordhaya kuwaas oo carqaladeyn kara xasilloonida gobolka.

Kulankii 11aad ee guddiga wadajirka ah ee difaaca ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil milatari oo sarreeya oo ka socday labada dal, kuwaas oo ka wada hadlay iskaashiga ammaanka iyo qorshayaasha mustaqbalka ee dhanka difaaca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista hirgelinta howlgaladii nabad ilaalinta iyo ammaanka ee lagu heshiiyey kulankii hore, sida ay sheegtay Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya (ENDF) oo qoraal soo saartay. Waxa kale oo kulanka lagu go’aamiyey in la dejiyo jihada istiraatiijiga ah ee lagu xoojinayo iskaashiga milatari ee labada dhinac.

Janaraal Teshome Gemechu, Agaasimaha Guud ee Xiriirka Dibadda iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Difaaca Itoobiya, iyo Janaraal Abdurahman Abdi, La-taliyaha Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti, ayaa shirarka guddoomiyey.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Janaraal Tesfaye Woldemariam, Ergeyga Milatari ee Itoobiya u fadhiya Jabuuti, sida ay warbixinta Addis Standard ku sheegtay.

Janaraal Teshome ayaa martida Jabuuti ku soo dhaweeyey si kal iyo laab ah, isagoo tilmaamay in Itoobiya iyo Jabuuti ay yihiin labo dal oo xiriir qoto dheer leh oo taariikhi, dhaqan iyo dhaqaale ku saleysan, isla markaana Itoobiya uu u yahay “guri labaad” wafdiga Jabuuti.

Dhanka kale, Janaraal Abdurahman ayaa mahadnaq u jeediyey soo dhoweynta ay martigelin wanaagsan ku sameeyeen Itoobiya.

Itoobiya iyo Jabuuti waxay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka, difaaca, iyo ganacsiga, iyadoo Addis Ababa ay si weyn ugu tiirsan tahay dekedda Jabuuti ee dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.

Guddiga Wadajirka ah ee Difaaca, oo si joogto ah u kulma, ayaa door muhiim ah ka ciyaara xoojinta xiriirka dheeriga ah iyo iskaashiga ammaanka ee gobolka u dhexeeya labada dal, sida ay sheegtay Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya.

Bishihii u dambeeyey, Itoobiya ayaa xasarado la kulantay deriskeeda qaar, oo ay ku jiraan Eritrea iyo Soomaaliya, iyadoo raadineysa marin badeed iyo sidoo kale rakibidda qalab milatari oo muhiim ah oo ku baahsan Geeska Afrika. Arrintani waxay kordhisay xiisadaha gobolka.

— GAROWE ONLINE

Related Articles

Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast

Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.

  • Afrika

    30-07-2025

  • 05:22AM

Afrika oo Wajahaysa Gaajo Ba’an Iyadoo Hoggaamiyeyaasha Baaq Degdeg ah Direen

“52 milyan oo Afrikaan ah ayaa wajahaya xaalad sugnaan la’aan cunto, halka 3.4 milyan ay qarka u saaran yihiin macaluul,” ayuu yiri Youssouf.

  • Afrika

    29-07-2025

  • 11:25AM