Itoobiya: Magaalooyin laga joojiyey gaarsiinta mucaawino

Image
Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa soo food saartay macaluul baahsan xilli uu weli ka socdo dagaal sokeeye.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa joojisay qaybinta raashinka gargaarka ah ee ay ka wadeen laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya, kaddib markii dabley hubaysan ay dhaceen bakhaarradii lagu keydiyey.

Bililiqeysato ka tirsan ciidamada fallaagada ah ee Tigreega ayaa qori caaradii ku haystay shaqaalaha gargaarka ee magaalada Kombolcha, sida ay shaaca ka dhigtey Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Kooxda hubeysan ayaa lagu waramay in ay xadeen sahay cunto oo aad u badan - oo ay ku jiraan qaar loogu talagalay carruurta nafaqo-xumada hayso, sida ku xusan warbixinta.

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa soo food saartay macaluul baahsan xilli uu weli ka socdo dagaal sokeeye oo u dhaxeeya qowmiyadda Tigreega iyo ciidamada dowladda.

"In ka badan hal sano oo dagaal ah ka dib, in ka badan sagaal milyan oo qof ayaa u baahan sahay cunto waliba si degdeg ah gudaha gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta," Qaramada Midoobay ayaa tiri.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay dib u qabsatay magaalooyinkaas oo ay gacanta ku hayeen jabhadda Tigreega. Balse fallaagada ayaa sheegtay in ciidamadu ay dib u soo ceshadeen meelo ay isaga tageen oo kaliya.

Colaadda ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof, in ka badan laba milyan oo qofna waxay ku barakaceen boqollaal kun oo kalena waxay galeen xaalado macaluul la mid ah, sida lagu sheegay tirokoobka Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay la kulantay caqabado waaweyn oo gargaar la gaadhsiin lahaa deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo ay jirtay in Tigray-ga ay hawada ka maqan tahay isgaarsiintu.

Ku dhawaad ​​200 oo caruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa gaajo ugu dhintay 14 isbitaal oo ku yaala Tigray intii u dhaxaysay dabayaaqadii June iyo October, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa dhakhaatiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM