Itoobiya oo beenisay in ay TPLF ka saareyso liiska argagixisada

Image
Baarlamaanka Ethiopia ayaa argagixiso u aqoonsadey TPLF oo dagaal ba'an la gashay maamulka Abiy Axmed.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaan ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ka saari doonin liiska argagixisada, sida uu maanta warbaahinta gudaha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Ambassador Dina Mufti.

Intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee labadii todobaadba mar, afhayeenka wuxuu sheegay inay jiraan cadaadisyo uga imaanayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka oo ka codsanaya xukuumadda Itoobiya inay kooxda TPLF ka saarto liiska argagixisada.

"Wadahadalka qaran ee la qorsheeyay maaha gorgortan, xukuumadda Itoobiyana ma hayso wax ajande ah oo ay kula xaajooto koox argagixiso ah oo ay ku jirto TPLF," ayuu yiri Ambassador Dina.

Hadalka afhayeenka ayaa xoojinaya bayaanka xisbiga talada haya ee Prosperity Party (PP) 16-kii February ee ahaa in Ethiopia qorshaynta wada-hadalka qaran ee loo dhan yahay aanu macnaheedu ahayn in lala xaajoonayo kooxaha “baarlamaanku u aqoonsaday argagixiso”.

Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu si weyn uga duwan yahay wixii ay Annette Weber, oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, ay u sheegtay warbaahinta 11-kii Febraayo.

Weber ayaa si hal dhinac ah waxay u sheegtay in ay jiraan wadahadalo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF looga tir-tirayo magaca argagixisanimada ee maamulka Abiy Axmed uu ku shaabadeeyay.

Abiy ayaa dagaal ba'an ku qaadey gobolka Tigray kadib markii kooxda TPLF ay si weyn uga hor-timid damaciisa ku aadan in uu qabto wax ay ugu yeereen doorasho lasii qorsheeyay natiijadeeda. Isku-dhacan qaatay wax ka badan sanad ayaa isku rogay dagaal sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM