Itoobiya oo mar kale weerartay saldhigyada ururka TPLF

Image

NAIROBI — Waxaa sii xoogeysanaya weerarada cirka iyo dhulka ah oo ay ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda la beegsanayaan xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega Arbacadii shalay, isagoo sheegay in ay la kulmeen qasaaro aad u badan.

Getachew Reda, oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga (TPLF) ayaa telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ka soo jeeda gobolka Amxaarada ay dhowr jiho kula dagaallamayaan ciidamada Tigreega, gaar ahaan labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta oo deris la ah Tigray.

Afhayeenka milatariga Itoobiya ayaan markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa warbixinta dhinacooda.

Milatariga iyo dowladda ayaan qiran weerarkan cusub, oo ay kooxda TPLF sheegtay inuu ku bilowday weerar xagga cirka ah toddobaadkii hore, maalmo kadib markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay in uu xilka sii hayo shanta sano ee soo socota.

"Waa dagaal socda, tirada dhaawacuna aad bay u badan tahay," ayuu yiri Getachew oo intaas ku daray inuusan faahfaahin ka bixin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wuxuu sheegay inuu dagaalku ka dhacay meel u dhow magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada, halka dagaalkana uu dib uga bilowday gobolka Canfarta, deegaanada Haro iyo Chifra oo ku dhow xadka Amxaarada.

Dagaalkan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xasilloonida waddanka geeska Afrika oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof, isla markaana horseedidoona gaajo baahsan oo ka dhacda gobolka Tigray.

Reuters.

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM