Itoobiya oo sheegtay in helitaanka marin-badeedka uu yahay baahi qaran oo lama huraan ah

Image

ADDIS ABABA — Itoobiya ayaa si xooggan u muujisay in helitaanka marin-badeed uu yahay mid ka mid ah baahiyaha ugu muhiimsan ee qaranka, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga gobolka, iyo ilaalinta xasilloonida Geeska Afrika.

Dawladda ayaa soo bandhigtay ayaa ku tilmaantay dalabka Itoobiya inuu saldhig ku leeyahay sharci caalami ah, cadaalad taariikhi ah, iyo mabda’a iskaashi.

Dalabka marin-badeedka ayaa noqday mid ka mid ah qadiyadaha ugu weyn ee siyaasadda Itoobiya, iyadoo dalka oo hadda leh in ka badan 120 milyan oo qof uu u baahan yahay marin-badeed si uu u ilaaliyo danihiisa, u dardargeliyo horumarka dhaqaale, ugana qayb qaato xasilloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dalabka marin-badeedku uu leeyahay saldhig sharci, taariikhi, juquraafi iyo dhaqaale, isaga oo xusay in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo celinayo marin-badeedka ay sii socon doonaan.

Tilahun Tefera oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Siyaasadda Itoobiya (PSI) ayaa luminta xeebta ku tilmaamay cadaalad-darro taariikhi ah oo u baahan in la saxo. Wuxuu ugu baaqay aqoonyahannada, warbaahinta, diblomaasiyiinta iyo qurbo-joogta Itoobiya inay si buuxda u taageeraan qadiyadda marin-badeedka.

Sidoo kale, Gashaw Ayferam oo ka tirsan Machadka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in luminta marin-badeedka ay ka dhalatay cadaadis dibadeed iyo tabar-darro gudaha ah, isaga oo adkeystay in soo celinta marin-badeedku ay tahay arrin qaran oo aan laga maarmi karin.

Qadiyaddan ayaa noqotay mid ay Itoobiya u aragto mid ka tarjumeysa mustaqbalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo shacabka iyo qurbo-joogta laga doonayo in ay taageeraan dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwo gudaha ah ee ku aaddan helitaanka marin-badeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran

Hay’adaha dowladda ayaa ku eedeeyay xisbiga Mundubile ee NRPUP inuu qorsheynayay kacdoon hubeysan, balse xisbigu si adag ayuu u beeniyay eedeymahaas.

  • Afrika

    30-08-2026

  • 10:57AM

Wiilka Museveni oo sheegay inuu u tartami doono madaxtinimada Uganda 2031

Kainerugaba, oo 52 jir ah, ayaa muddo dheer loo arkayay inuu noqon karo qofka beddela aabbihii oo 81 jir ah.

  • Afrika

    27-08-2026

  • 01:05PM