Jabuuti iyo Eritrea oo xiriirkooda dib u soo celinaya

Image

ADDIS ABABA - Dalalka Eritrea iyo Jabuuti ayaa isla-ogoladey iney caadiyeeyaan xiriirkooda kadib markii muddo toban sano ku dhow khilaaf xuduudka ah oo sababey inuu  dagaal dhexmara, sidaas waxaa laga sheegey kulankii Wasiirada arimaha dibada dhexmarey.

Dagaalkii labadaan dal dhexmarey ayaa ka qaraxey halka la yiraahdo Dumeira kadib markii Jabuuti ku eedeysay Asmara iney ciidamadooda soo gudbeen xuduudka wadankaas.

” Muddo dheer kala qaybsanaan jirtey, Eritrea iyo iyo Jabuuti waxay ku heshiisyeen iney xiriirkooda dib u soo celiyaan,” sidaas waxa bartiisa Facebook ku qorey Wasiirka arimaha dibada Itoobiya Workneh Gebeuyehu.

Wasiirka ayaa haddalkaan sheegey kadib markii wasiirada arimaha dibada Somalia, Eritrea iyo Itoobiya kulan la qaateen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. 

Wasiirka arimaha Warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale bartiisa Twiter ku soo qorey in Madaxweyne Guuleed u sheegey wafdiga in dalkiisa hehsiis la qaadanayo Asmara islamarkaana xiriirka diplomaasi dib u soo celin doonaan.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM