Jabuuti iyo Eritrea oo xiriirkooda dib u soo celinaya

Image

ADDIS ABABA - Dalalka Eritrea iyo Jabuuti ayaa isla-ogoladey iney caadiyeeyaan xiriirkooda kadib markii muddo toban sano ku dhow khilaaf xuduudka ah oo sababey inuu  dagaal dhexmara, sidaas waxaa laga sheegey kulankii Wasiirada arimaha dibada dhexmarey.

Dagaalkii labadaan dal dhexmarey ayaa ka qaraxey halka la yiraahdo Dumeira kadib markii Jabuuti ku eedeysay Asmara iney ciidamadooda soo gudbeen xuduudka wadankaas.

” Muddo dheer kala qaybsanaan jirtey, Eritrea iyo iyo Jabuuti waxay ku heshiisyeen iney xiriirkooda dib u soo celiyaan,” sidaas waxa bartiisa Facebook ku qorey Wasiirka arimaha dibada Itoobiya Workneh Gebeuyehu.

Wasiirka ayaa haddalkaan sheegey kadib markii wasiirada arimaha dibada Somalia, Eritrea iyo Itoobiya kulan la qaateen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. 

Wasiirka arimaha Warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale bartiisa Twiter ku soo qorey in Madaxweyne Guuleed u sheegey wafdiga in dalkiisa hehsiis la qaadanayo Asmara islamarkaana xiriirka diplomaasi dib u soo celin doonaan.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM