Jabuuti oo sanad walba $54 milyan siineysa DP World

Image

LONDON - Maxkamad ku taalla London ayaa ku xukuntay dowladda Jabuuti inay siiso Shirkadda DP World kadib markii ay ka saartey Dekadda Doraleh, iyadoo aan heshiiska dhamaan.

Horaantii 2018 ayay dowladda Jabuuti iyo DP World is isku khilaafeen hanaanka maamulka dekadda, waxayna taasi keentay inay ku kala tagaan, oo la joojiyay qandaraaska.

DP World khasaaro maaliyadeed ayaa kasoo gaarey go’aanka Jabuuti, maadaama iyadoo aan heshiiska u dhamaan laga soo eryay dekadda, taasoo keentay inay dacwad u gubiso Maxkamadda London ku taalla.

Maxkamadda ayaa ku amartay Jabuuti inay sanad walba bixiso $54 milyan oo dollar, oo ay siinayso DP World, waxaana lacagta khasaaraha kasoo gaarey labo sano, 2018-2020 [$200,752, 000].

Heshiiska Jabuuti iyo DP World ayaa la saxiixay 2006, waxaana la filayay inuu dhaco 2020, halka iyadoo labo sano ka dhiman la joojiyay. DP World ayaa dagaal dhanka sharciga ah ula gashay Jabuuti, kaasoo muuqda inay ku guuleysatay.

DP World ayaa maalgelin ku sameysay dekadda Berbera kadib markii Jabuuti isku dhaceen, waxaana weli ay joogitaan ku leedahay Shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka gobolka Geeska Afrika.

Dekadda Jabuuti ayaa ah mida ugu ballaaran gobolka, waxaana ku tiirsan Itoobiya oo wax kasoo degsata, waana isha dhaqaalaha ugu weyn dalkan yar, ee aan khayraadka badan lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM