"Jeneraal" saxiix madaxwayne ku dhacay lacag oo la xiray

Image
Bolarinwa Oluwasegun oo hoygiisa laga soo qabtey ayaa haatan wajahaya maxkamadeyn.

ABUJA, Nigeria - Nin sheegtay in uu yahay Jeneraal ka tirsan ciidamada Nigeria ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka been abuurtay saxiixa madaxweynaha dalkaas Muhammadu Buhari si uu u sameeyo wax-isdaba-marin.

Guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Nigeria (EFCC) ayaa sheegay in Bolarinwa Oluwasegun, oo iska dhigaya jeneraal ciidan, uu ka khiyaameeyay Kodef Clearing Resources in ka badan $650,000 (£475,000).

EFCC waxa ay sheegtay in tuhmanuhu uu ku andacoodey in uu madaxweynuhu u soo xushay magacaabid balse uu u baahdey lacagta si uu u bixiyo laaluush ah si xilkaas uu u helo.

Mr Oluwasegun ma uusan sheegin wax ku saabsan xariga, waxaana EFCC ay sheegtay in maxkamad la soo taagi doono marka ay soo gabagabeeyaan baaritaanada.

Waxaa laga soo qabtay gurigiisa Lagos Arbacadii halkaas oo ay EFCC sheegtay in ay ka heshay lix qori oo nooca bamka ah, ul xabag ah iyo dhowr dukumeenti oo been abuur ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu been abuur ku sameeyay warqad magacaabis ah oo uu ku magacaabay taliyaha ciidamada Nigeria oo uu ku saxiixan yahay madaxweynaha taasi oo uu u adeegsaday inuu ku khiyaaneeyo dhibbanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM