"Jeneraal" saxiix madaxwayne ku dhacay lacag oo la xiray

Image
Bolarinwa Oluwasegun oo hoygiisa laga soo qabtey ayaa haatan wajahaya maxkamadeyn.

ABUJA, Nigeria - Nin sheegtay in uu yahay Jeneraal ka tirsan ciidamada Nigeria ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka been abuurtay saxiixa madaxweynaha dalkaas Muhammadu Buhari si uu u sameeyo wax-isdaba-marin.

Guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Nigeria (EFCC) ayaa sheegay in Bolarinwa Oluwasegun, oo iska dhigaya jeneraal ciidan, uu ka khiyaameeyay Kodef Clearing Resources in ka badan $650,000 (£475,000).

EFCC waxa ay sheegtay in tuhmanuhu uu ku andacoodey in uu madaxweynuhu u soo xushay magacaabid balse uu u baahdey lacagta si uu u bixiyo laaluush ah si xilkaas uu u helo.

Mr Oluwasegun ma uusan sheegin wax ku saabsan xariga, waxaana EFCC ay sheegtay in maxkamad la soo taagi doono marka ay soo gabagabeeyaan baaritaanada.

Waxaa laga soo qabtay gurigiisa Lagos Arbacadii halkaas oo ay EFCC sheegtay in ay ka heshay lix qori oo nooca bamka ah, ul xabag ah iyo dhowr dukumeenti oo been abuur ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu been abuur ku sameeyay warqad magacaabis ah oo uu ku magacaabay taliyaha ciidamada Nigeria oo uu ku saxiixan yahay madaxweynaha taasi oo uu u adeegsaday inuu ku khiyaaneeyo dhibbanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM