Kenya: Askari toogasho ku dilay dad ay kamid tahay xaaskiisa

Image
Sarkaalkan oo CID-da ay ku tilmaamtay in uu ahaa "tuug" ayaa la sheegay in uu kadib isagu is-toogtey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa toogasho ku dilay shan qof oo ku sugnaa caasimadda Nairobi Talaadadii, 7-dii December, ka dibna wuu is-toogtay, sida uu sheegay hoggaanka dambi-baarista booliiska.

"Askariga ayaa markii hore ku toogtay xaaskiisa oo ku sugneyd gurigooda ka hor inta uusan u dhaqaaqin qoriga AK-47 oo uu u adeegsaday si uu u toogto afar qof oo kale," ayaa la raaciyey qoraalka agaasinka CID-da kaasoo lagu daabacay barta Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay qofka toogashada geystay in uu ahaa "sarkaal tuug ah".

Francis Wahome, oo ah sarkaalka maamula deegaanka Dagoretti ee magaalada Nairobi, ayaa goor sii horeysay xaqiijiyay dhacdada, wuxuuna tirada dadka la dilay ku sheegay lix qof. Warbixin uu soo saaray booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso lix qof.

"Kadib markii uu dilay seddexda ruux, askariga ayaa ka dib qorigiisii ​​u rogay laba nin oo mooto watay, kuwaas oo mid ka mid ah uu naftiisa ku waayey isaga oo la daaweynayo," ayuu yiri booliisku.

Dad careysan oo ka agdhawaa halka uu falku ka dhacay ayaa markii dambe gubay taayiro waddo ay ku socdeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan rabshadaha, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

Sanadkii 2010-kii ayay ahayd markii askari ka tirsan booliska magaalada Siakago, oo 120 km (74 miles) waqooyi bari ka xigta magaalada Nairobi uu toogasho ku dilay 10 qof oo ay ku jiraan laba saaxiibadiis ah.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa daaha ka rogay in askariga xilligaas uu isku dayay in uu is-toogo balse ay ka dhammaatay rasaasta, taasoo keentay in uu isku soo dhiibo booliiska. Maxkamad ayaa lasoo taagay waxaana lagu xukumay xabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM