Kenya: Dad loo xiray weerar lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image
Weerarkan arxan darrada ah ayaa ka dhacay gobolka xeebta ah ee soohdinta la leh Soomaaliya.

NARIOBI, Kenya - Booliiska Kenya ayaa Talaadadii sheegay inay afar qof ku xireen weerar arxan darro ah oo ka dhacay gobolka xeebta ah ee soohdinta la leh Soomaaliya kaasoo sababay dhimashada lix qof iyo gubida guryo.

Hal nin ayaa qoorta laga gooyay shanna waa la toogtay ama waa la gubay kadib weerar lagu qaaday tuulo ku taal gobolka Lamu oo billowday galabnimadii Axadda.

Gobolka Lamu ayaa waxaa ka dhacay weerarro xooggan oo Al-shabaab ay ku qaadeen, waxaana maamulka degmadaas ay markii hore ku tuhmayeen inay weerarkaas ka dambeeyeen xoogag ka tirsan maleyshiyaddan Soomaaliya fadhigoodu yahay, inkastoo aan la ogeyn ujeeddooyin kale.

Illaa haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, waxaana booliisku ay sheegeen in baaritaannada ilaa hadda ay muujinayaan in muran dhul uu jiro.

Lamu, oo ay ku jirto xeebta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Jaziiradda Lamu, ayaa ku dhow xuduudka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab ay weerarro xad dhaaf ah ka geysatay gobolka xeebta.

Bishii Janaayo 2020, Maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Lamu, halkaasoo ay ku burburiyeen dhowr diyaaradood, kuna dileen saddex Mareykan ah.

Al-Shabaab ayaa Kenya u bartilmaameedsatay si ay uga aargutaan ciidamada Nayroobi u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si ay halkaasi uga saaraan mitidiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM