Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Image

NAIROBI, Kenya - Daadad xooggan iyo dhul go’ ayaa ku dhacay guryo waxayna gooyeen waddo weyn oo ku taal Kenya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 45 qof, tobanaan kalena waa la la’yahay Isniintii, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sarkaal ka tirsan booliska Stephen Kirui ayaa markii hore u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in biyo xireenka hore ee Kijabe oo ku yaala deegaanka Mai Mahiu ee gobolka Great Rift Valley oo u nuglaa fatahaadaha uu soo dumay, kaas oo siday dhoobo, dhagaxaan iyo geedo la rujiyay.

Laakiin bayaan ay soo saareen goor dambe oo kasoo baxay warfaafinta ismaamulka Nakuru ayaa lagu sheegay in tirada biyaha ee sababtay fatahaadda ay tahay waddo tareen oo xiran.

Baabuurta ayaa isku xiray burburka mid kamid ah waddooyinka waaweyn ee ugu mashquulka badan dalka Kenya, waxaana shaqaalaha gurmadka degdega ah ay daweeyeen dadkii dhaawacmay markii ay biyuhu qarqiyeen dhul ballaadhan.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay. Madaxweyne William Ruto ayaa ku amray Adeegga Dhallinyarada Qaranka inay bixiyaan dhul si loogu isticmaalo xero ku meel gaar ah.

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda, iyadoo guryihii ku yaallay deegaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen ay qarqiyeen dhoobadda, iyadoo dadka ay magan-gelyo u noqdeen iskuullada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM