Kenya: Injineer Software oo loo xiray inuu dagaalyahano u qori jiray Al-Shabaab

Image

MOMBASA, Kenya — Injineer software-ka Kenyan ah ayaa maxkamad ku taalla Mombasa lagu soo oogay eedeymo ah inuu shaqaaleeyo oo maalgeliyo dagaalyahanno u dagaalama ururka argagixisada Al-Shabaab, kiis ay qareennada dowladda ku tilmaameen halis amni oo qaran.

Alwi Mohamed Shariff ayaa Isniintii hortagay Shanzu Chief Magistrate Anthony Mwicigi, iyadoo lagu eedeeyay inuu lacag u diray isla markaana isku dubariday safarka dadka laga shakisan yahay inay ku biirayaan Al-Shabaab, kuwaas oo ka yimid gobolka xeebaha Kenya una sii gudbaya Soomaaliya.

Warqadda eedeynta ayaa sheegaysa in Shariff uu 25-kii Juun 2024 ku wareejiyay 6,922 Shilling Kenyan ($46) Athurman Ahmed Ali si uu uga safro Lamu una maro Moyale una tago Soomaaliya, halkaas oo loo filayay inuu ku biiro Al-Shabaab. Lacagahaas ayaa sida la sheegay loo diray iyada oo loo marayo lambarka moobilka ee Shariff 0111437457 laguna diray lambarka Ali 0759666612.

Qareenka dowladda Antony Musyoka ayaa maxkamadda u sheegay in kiisku yahay mid adag oo socda, isla markaana baaritaanno kala duwan lagu hayo. Waxa uu ka soo horjeestay in Shariff la sii daayo, isaga oo sheegay inuu ka carari karo ama uu faragelin ku sameyn karo markhaatiyaasha haddii la sii daayo.

“Eedeysanaha, oo ah qof laga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, wuxuu halis ku yahay amniga qaranka maadaama aan la garanaynin ujeedadiisa,” ayuu Musyoka yiri. “Haddii la sii daayo, waxaa suuragal ah inuusan soo xaadirin maxkamadda ama uu faragelin ku sameeyo baaritaanka.”

Qareenka Shariff, Yahya Muminni, ayaa ku dooday in macmiilkiisa lagu xidhay muddo 44 maalmood ah iyada oo aan sabab ku filan la haysan, isla markaana uu u qalmo in la sii daayo. Wuxuu intaa ku daray inaysan jirin wax caddeyn ah oo Shariff ku xiraysa kooxda Al-Shabaab.

Garsooraha ayaa amray in eedeysaneha lagu sii hayo Xabsiga Shimo la Tewa ilaa 10-ka Nofembar, iyadoo la sugayo warbixin ku saabsan in lagu kalsoonaan karo inuu ka soo xaadiri doono maxkamadda.

Shariff ayaa diiday dhammaan eedeymaha, isaga oo ku adkeystay inuu yahay mid aan waxba galabsan.

Al-Shabaab, oo dhowr weerar ka fulisay Kenya sanadihii u dambeeyay, ayaa inta badan bartilmaameedsata dhalinyarada ku nool gobollada xeebaha iyo waqooyi-bari ee dalka, si loogu qorto safka ururka ee gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Ciidamada RSF oo qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee El-Fasher, dad badan oo ku xaniban

18-kii bilood ee la soo dhaafay, RSF ayaa magaalada El-Fasher hareereysay, iyadoo ku xanibtay in ka badan 300,000 qof.

  • Afrika

    27-10-2025

  • 08:25AM

Ismaaciil Cumar Geelle oo wax ka bedelay Dastuurka Jabuuti si uu ugu tartamo xilka Markii Lixaad 

Jabuuti waxay hoy u tahay saldhigga kaliya ee joogtada ah ee ciidamada Mareykanka ee Afrika.

  • Afrika

    26-10-2025

  • 08:57PM