Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Image

NAIROBI – Madaxweyne Ruto oo Wada-hadallo Taleefan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio, waxayna ku heshiiyeen Qorshe Cusub oo Qaramada Midoobay ku taageerayso Haiti

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa wada-hadallo muhiim ah oo dhanka taleefanka ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Marco Rubio, saacado kadib markii Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay soo saartay digniin safar oo ku aaddan Kenya.

Wadahadalladan, sida uu Ruto sheegay, waxay diiradda saareen arrimo badan oo labada dal khuseeya, gaar ahaan sidii Mareykanka iyo Kenya ay iskaashi uga yeelan lahaayeen taageeridda howlgalka nabad ilaalinta Haiti oo weli aan caddayn jihada uu u socdo, xilli la jooggo bishii Agoosto 2025.

"Waxaan khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Marco Rubio, waxaana isla falanqeynay arrimo muhiim u ah labada dal, gobolka iyo dunida," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah oo Qaramada Midoobay ku taageerto howlgalka MSS (Multinational Security Support) ee Haiti, si loo xoojiyo dadaallada lagu xasillinayo dalkaas dhibaateysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM