Kenya: Maxaa ka jira in la xiray Gudoomiyaha Garissa?

Image

GAARISA - Gudoomiyaha magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyiga bari ee Kenya, Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in aan la xirin balse uu isagu iska xaadiriyay booliiska si aan uga jawaabo eedaymaha loo soo jeediyay.

Cali Bunow ayaa wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka ay saxaafadda Kenya tabisay ee ku saabsan in askar ay ku waabariisatay gurigiisa ka dibna xirtay 5:00 subaxnimo markii uu soo baxay.

"Tani waxaan u sameeyay inaan ahay muwaadin u hogaansan sharciga Kenya, aniga la-ima xirin, wax ka jirana ma lahan wararka ay baahiyeen warbaahinta qaar," ayuu yiri gudoomiyaha Gaarisa.

I did this as a law abiding citizen and was not under arrest as alleged by sections of local media houses

Waxaa la sheegay in loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiir goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daily Nation.

Cali Bunow Qorane ayaa faahfaahinta warkaas soo dhigay Twitter-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM