Kenya oo dib u qabatay Maxaabiis Al-Shabaab oo baxsad ahaa [Sawirro]

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Saddexda eedeysane oo u xirnaa falal argagixisanimada oo Axadii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsiga Kamiti Maximum ayaa Maanta lagu xiray degaanka Mwingi, ee gobolka Kitui oo katirsan bariga Kenya.

Saddexda qof oo lagu kala magacaabo Musharraf Abdalla, Joseph Juma iyo Maxamed Cali ayaa la qabtay xilli ay ku sii jeedeen Gaarisa, oo ay uga sii gudbi lahaayeen dalka Soomaaliya.

Sawir iyaga oo gacmaha ka xiran ayaa isla markiiba la faafiyay. Waxay 15-kii bishan ka baxsadeen xabi ku yaalla Nairobi, oo lagu hayay.

Madaxa hay'adda dembi baarista Kenya ee [DCI] George Kinoti ayaa xaqiijiyay xariga, waxaana uu intaa ku daray in la keenayo Nairobi, oo maxkamadeyntooda ka socotay.

DCI waxay dul dhigtay $20 milyan oo dollar oo abaal-marin ahaan loo balan-qaadey qofkii soo sheega xog horseedaysa dib-usoo-qabashadooda.

Ma cadda in dadka hadda soo sheegay la siin doono abaal-marinta la duldhigay saddexda qof ee lasoo qabtay.

Baxsashadooda ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo 13 askari oo ka tirsan Ciidamada ilaalada ka ah Xabsiga, waxaana sidoo kale isbedel weyn lagu sameeyay xabsiyada Kenya iyo taliskooda.

Uhuru ayaa xilka ka qaadey taliyaha Xabsiyada dalka Kenya, oo lagu eedeeyay dayacaad iyo inuu ku lug leeyahay in raggan ay ka baxsadeen Xabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM