Kenya oo dib u qabatay Maxaabiis Al-Shabaab oo baxsad ahaa [Sawirro]

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Saddexda eedeysane oo u xirnaa falal argagixisanimada oo Axadii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsiga Kamiti Maximum ayaa Maanta lagu xiray degaanka Mwingi, ee gobolka Kitui oo katirsan bariga Kenya.

Saddexda qof oo lagu kala magacaabo Musharraf Abdalla, Joseph Juma iyo Maxamed Cali ayaa la qabtay xilli ay ku sii jeedeen Gaarisa, oo ay uga sii gudbi lahaayeen dalka Soomaaliya.

Sawir iyaga oo gacmaha ka xiran ayaa isla markiiba la faafiyay. Waxay 15-kii bishan ka baxsadeen xabi ku yaalla Nairobi, oo lagu hayay.

Madaxa hay'adda dembi baarista Kenya ee [DCI] George Kinoti ayaa xaqiijiyay xariga, waxaana uu intaa ku daray in la keenayo Nairobi, oo maxkamadeyntooda ka socotay.

DCI waxay dul dhigtay $20 milyan oo dollar oo abaal-marin ahaan loo balan-qaadey qofkii soo sheega xog horseedaysa dib-usoo-qabashadooda.

Ma cadda in dadka hadda soo sheegay la siin doono abaal-marinta la duldhigay saddexda qof ee lasoo qabtay.

Baxsashadooda ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo 13 askari oo ka tirsan Ciidamada ilaalada ka ah Xabsiga, waxaana sidoo kale isbedel weyn lagu sameeyay xabsiyada Kenya iyo taliskooda.

Uhuru ayaa xilka ka qaadey taliyaha Xabsiyada dalka Kenya, oo lagu eedeeyay dayacaad iyo inuu ku lug leeyahay in raggan ay ka baxsadeen Xabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM