Kenya oo heegan u gelisay ciidanka "halista weeraro argagixiso"

Image
Kenya ayaa waxaa dhowr jeer wajahdey weeraro ay fulisay kooxda Al-Shabaab

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xoojiyeen amaanka kadib markii dalal badan oo Yurub ka tirsan ay ka digeen qatarta ka dhalan karta weeraro ay geystaan kooxo argagixiso ah.

Wadamadaas oo aan la magacaabin ayaa lagu waramay in ay muwaadiniintooda ku dhaqan dalkaas ay ugu baaqeen in ay ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa maanta oo Jimco ah lagu arkayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay gaar ahaan bannaanka xafiisyada dowladda, hoteello waaweyn, dhismayaal gaar loo leeyahay iyo xarumaha ganacsiga.

Adeegga booliiska qaranka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay "inay shacabka u xaqiijinayaan in ammaanka dalka lagu xoojiyay howlgallada kala duwan ee booliiska".

"Waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka lala wadaagay xarumaha kala duwan ee warbaahinta.

Kenya ayaa waxaa dhowr jeer wajahdey weeraro ay fulisay kooxda Al-Shabaab oo ay uga aargoosanayeen ciidamadooda galay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay uga hortagaan maleyshiyadda.

Sannadkii 2019-kii, Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa 21 qof ku dilay weerar ay ku qaadeen hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Sannadkii 2015-kii, weerar lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee Bariga Kenya ayaa waxaa ku dhintay 148-qof oo ku dhawaad ​​dhammaantood ahaa arday. Qaar badan ayaa lagu toogtay meel bannaan ka dib markii la aqoonsaday inay Masiixiyiin yihiin.

Waa weerarkii labaad ee ugu dhiig daadinta badnaa taariikhda gudaha wadanka Kenya, waxaana ka badan kaliya weerarkii Al-Qaacida ee safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998-dii oo ay ku dhinteen 213 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM