Kenya oo ka hordhacdey xukunka ICJ ee dacwada badda

Image
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, wuxuu ku eedeeyay ICJ in ay sameysay eexasho.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go'aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go'aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go'aankeeda soo saarta Talaadada oo ku beegan 12-ka October.

Kenya ayaa mar sii horreysay ee sannadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.

Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.

Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka maxkamadda isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague.

Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo "soo billowday 1969."

"Waa muhiim in qof kasta oo Kenyan ah uu fahmo in khatarta ku soo fool leh madaxbanaanideenna dhuleed aysan ahayn mid qayaxan oo toos ah", ayuu yiri.

"Dacwadda ka dhanka ah Kenya ee taalla maxkamadda, iyo in maxkamadda ay gacmaha la gashay dacwad ka baxsan xeyndaabkeeda sharci, waxay marag u yihiin xeeladaha cusub ee loo akeysiinaya caddaaladda si loo minjaxaabiyo madaxbaannaanideena", ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya.

Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ oo xukunkeeda soo saareysa Talaadada todobaadka soo aadan.

BBC + GO

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM