Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab
Nairobi — Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday Midowga Yurub (EU) in uu mudnaan gaar ah siiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo weli si xooggan uga howlgalaysa gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, islamarkaana weerarro joogto ah ka fulisa gudaha Kenya.
Iyadoo Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ay weli qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarrada ay ka geysanayso gobolka waqooyi bari Kenya iyo xitaa caasimadda Nairobi, halkaas oo dad badan lagu dilay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in hoos u dhaca dareenka beesha caalamka ee ku aaddan Soomaaliya uu halis weyn ku yahay dadaallada la-dagaallanka Al-Shabaab, xilli ay dalka Cyprus isu diyaarinayso inay qabato Madaxtinimada Golaha Midowga Yurub sannadka 2026.
“Caalamka wuxuu hadda mashquul ku yahay dagaallo kale iyo arrimo cusub, taasoo sababtay daal siyaasadeed iyo in taageeradii beesha caalamka ay si weyn u yaraato. Dalal sida Kenya ah ayaa lagu hayaa culayska ugu badan ee dagaalkan,” ayuu yiri Mudavadi.
Mudane Mudavadi wuxuu sidoo kale sheegay in hadda ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya ku dhowaad 3,000 oo askari oo ka tirsan KDF, kuwaas oo qeyb ka ah AUSSOM. Wuxuu ka digay in ka bixitaanka ciidamada Kenya uu abuuri karo farqi amni oo ay ka faa’iideysan karto Al-Shabaab.
Howlgalka AUSSOM oo ah mid beddelay ATMIS, ayaa wajahaya caqabad dhanka dhaqaalaha ah. Inkastoo sanadlaha miisaaniyadda howlgalka lagu qiyaasay $166.5 milyan, haddana waxaa ilaa hadda la ballan qaaday oo kaliya $16.7 milyan — taas oo sare u qaadaysa walaaca ku saabsan sii socoshada howlgalka.
Cyprus oo la filayo inay qabato madaxtinimada Golaha Midowga Yurub qeybta hore ee sanadka 2026, ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto dejinta miisaaniyad loogu talagalay hawlgallada milatari ee ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa, una kordhiyo taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo sugo nabadda gobolka iyo badbaadada mandaqadda Geeska Afrika.
GAROWE ONLINE