Kenya oo shaacisay in ay Soomaaliya la galeyso heshiis dhanka Jaadka ah

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Xasan Sheekh uu dhowaan la kulmay dhigiisa William Ruto.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha Kenya, Mithika Linturi, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu bisha soo socota ee May 8 la saxiixan doono Soomaaliya heshiis cusub oo la xiriirka Jaadka Miirowga.

Sidda ay warisay Kenya News Agency, heshiiskan cusub ayaa loo dan leeyahay "si loo xaqiijiyo faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saabsan ganacsiga qaadka".

Mr Linturi ayaa xusay in dalagyada laga helo lacagta caddaanka ah ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha gobolka Meru oo Jaadka laga soo saaro, taasoo wax weyn ka tarta nolosha dad badan oo ku nool gobolka.

Wasiirka ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay dugsiga hoose dhexe ee Thamare oo ku yaala ismaamul hoosaadka Igembe xili ay socotay aaska labada gabdhood oo ay dhaleen mas'uuliyiin kuna dhintey shil baabuur.

Soomaaliya ayaa ku suntan dalka ugu ballaaran ee sida maalinlaha ah loogu soo dhoofiyo Jaadka Miirowga iyadda oo aysan jirin wax badiil ah oo laga dhoofiyo Muqdisho lana geeyo Nairobi oo aan ka ahayn lacagta cadaanka ah.

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga Jaadka Miirowga isla markaana ay si maalinle ah uga helaan macaash lacageed oo kumanaan kun doolar ah.

Heshiiskan cusub ee dhawaqiisu kasoo yeeray dhanka Kenya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqdey Nairobi lana kulmay dhigiisa dalkaas William Ruto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM