Kenya oo shaacisay in ay Soomaaliya la galeyso heshiis dhanka Jaadka ah

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Xasan Sheekh uu dhowaan la kulmay dhigiisa William Ruto.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha Kenya, Mithika Linturi, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu bisha soo socota ee May 8 la saxiixan doono Soomaaliya heshiis cusub oo la xiriirka Jaadka Miirowga.

Sidda ay warisay Kenya News Agency, heshiiskan cusub ayaa loo dan leeyahay "si loo xaqiijiyo faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saabsan ganacsiga qaadka".

Mr Linturi ayaa xusay in dalagyada laga helo lacagta caddaanka ah ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha gobolka Meru oo Jaadka laga soo saaro, taasoo wax weyn ka tarta nolosha dad badan oo ku nool gobolka.

Wasiirka ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay dugsiga hoose dhexe ee Thamare oo ku yaala ismaamul hoosaadka Igembe xili ay socotay aaska labada gabdhood oo ay dhaleen mas'uuliyiin kuna dhintey shil baabuur.

Soomaaliya ayaa ku suntan dalka ugu ballaaran ee sida maalinlaha ah loogu soo dhoofiyo Jaadka Miirowga iyadda oo aysan jirin wax badiil ah oo laga dhoofiyo Muqdisho lana geeyo Nairobi oo aan ka ahayn lacagta cadaanka ah.

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga Jaadka Miirowga isla markaana ay si maalinle ah uga helaan macaash lacageed oo kumanaan kun doolar ah.

Heshiiskan cusub ee dhawaqiisu kasoo yeeray dhanka Kenya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqdey Nairobi lana kulmay dhigiisa dalkaas William Ruto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zimbabwe oo hilib maroodi u qeybinaysa dadka abaaraha saameeyay

Go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo tirada maroodiga ee ku nool keymaha dalkaas.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 09:17AM

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Ethiopia wali kama quursan baadi-goobka Badda

“Dalka aan 120 milyan qof ka kooban yahay oo ku xeeran biyo, waa xaq iyo cadaalad in loo helo marin badeed,” ayuu yiri.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 07:41AM