Kenya: Tobanaan kusii jeeday aroos oo shil ku dhintey

Image
Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, William Ruto, ayaa ka mid ahaa dadkii ka tacsiyeeyay geerida ku timid dadka.

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan 23 qof ayaa la sheegay in ay ku qaraqmeen ka dib markii bas ay la socdeen kuna sii jeeday aroos uu shil ku galay bartamaha Kenya si gaar ah waxaa qaaday buundadda wabi fatahay.

"Waxaanu ku haynaa shilkan naxdinta leh ee xun ee saaka ka dhacay halkan," guddoomiyaha Kitui Charity Ngilu ayaa u sheegay suxufiyiinta Sabtidii.

Waxay hadalkeeda raacisay: “"Meydadka hadda la soo saaray ayaa kor u dhaafaya 23. Meydad badan ayaan ku haynaa baska".

Ngilu ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay in iyaga, Laanqayrta Cas ee Kenya iyo hay'adaha fulinta sharciga ay "sameynayaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u baaraan, ugana badbaadiyaan iyo sidoo kale soo kabashada".

Haweenaydan ayaa hoosta waxay ka xariiqdey in la soo badbaadiyay 12 qof oo ay ku jiraan afar carruur ah. Ma cadda inta rakaab ah ee la socotay baska.

Xubnaha hobolada ee Kaniisadda Katooliga ee Mwingi ayaa u safrayay arooska saaxiibkood markii uu shilku ka dhacay degmada Kitui.

Goob joogayaal ayaa sheegay in darawalka uu doonayay inuu ka gudbo biyaha xawliga ku socda ee dulmaraya buundada balse awoodooda oo xooganeyd waxay horseeday in uu xakameyn waayo baabuurka.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka mid ahaa dadkii ka tacsiyeeyay geerida ku timid dadka, waxaana uu sidoo kale ku booriyay gaadiidleyda in ay taxadar dheeri ah ka sameeyaan wadooyinka iyadoo qeybo badan oo ka mid ah dalka Kenya uu ka da’ayo roobab xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM