Liberia: Hooyo dacwad loogu soo oogay iibinta ilmaheeda

Image
Hooyadda oo magaceeda aan la faafin waxay beenisay inay waligeed lacag ku beddeshay ilmaha yar.

TRIPOLI, Liberia – Maxkamad ku taal Liberia ayaa hooyo ku soo oogtay dacwad ah ka ganacsiga dad ka dib markii lagu eedeeyay inay ilmo yar oo ay dhashay oo lix bilood jiray kaga iibisay haweenay aan la garanayn aduun dhan $60.

Hooyadda oo magaceeda aan la faafin waxay beenisay inay waligeed lacag ku beddeshay ilmaha yar, sida uu qoray wargeyska Laybeeriya ee online ka ah ee The News.

Sida lagu qoray Front Page Africa Online oo soo xiganaya illo wareedyo uusan magacaabin, hooyadda ayaa ilmaha yar iska beecisay ka gedaal markii ay ku dhibaatootey korontiisa.

Ma jiraan barnaamijyo daryeel bulsheed oo waara oo loogu talagalay carruurta laga tagay dalka Liberia. "Waxaa la geeyay xabsiga dhexe ee Monrovia," ayuu raaciyey Front Page Africa Online.

Dhanka kale, wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Liberia Charles Taylor, ayaa sheegay inuu dhibane u yahay cadaalad darro, uuna doonayo in kiiskiisa dib loo furo.

Roy Belfast Jr, oo loo yaqaan Chuckie Taylor, wuxuu ku dhashay Maraykanka. Waxaa lagu haystaa in uu aduunka ka geystay jirdil baahsan inti aabihiis uu xafiiska joogay.

Waxa uu dalka Maraykanka ku qaadanayaa 97-sano oo xadhig ah kadib markii lagu helay dambi ah jidh-dil, inuu maleegayay khiyaano iyo eedaymo hub ah oo ka dhashay sannadihii arxan darada ahaa ee uu aabihii madaxda ka ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM