Libya oo xirtay muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan

Image
Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in muhaajiriintu ay la kulmaan hanjabaad ah xarig, baad iyo xadgudub.

TRIPOLI, Libya - Hawlgal ballaaran oo ka bilowdey galbeedka Liibiya ayaa sababay in la xiro 4,000 oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan boqolaal haween iyo carruur ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Raafkan oo Jimcihii ka dhacay magaalada Gargaresh, ayaa qayb ka ah wax ay mas'uuliyiintu ku tilmaameen olole amni oo ka dhan ah tahriibka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya ayaa sheegtay in laamaha ammaanku ay qaadeen “hawlgal ballaaran oo amniga lagu sugayo” oo ka dhan ah waxa ay ugu yeereen dambiilayaasha, khamriga iyo kuwa ka ganacsada daroogada iyo muhaajiriinta sharci darrada ah. Qaxootiga waxaa loo maleynayaa in ay Soomaali ku jiraan.

Sawirro ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa muujinayay tobanaan muhaajiriin ah oo fadhiyay gacmahana dhabarka laga xiray ama lagu qaaday gaadiid.

Boqolaal kun oo muhaajiriin ah ayaa ku nool Liibiya, qaar badan oo ka mid ah ayaa rajaynaya inay sii maraan oo ka gudbaan badda Mediterranean si ay u gaaraan nolol ka wanaagsan tan dhulkooda ka jirta.

Liibiya nabad iyo xasilooni yar ma haysato tan iyo kacdoonkii ay taageereen NATO ee 2011 ee lagu riday Mucamar Al-Qadaafi. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in muhaajiriintu ay la kulmaan hanjabaad ah xarig, baad iyo xadgudub.

Qaa ayaa lagu hayaa xarumo rasmi ah, qaarna ay gacanta ku hayaan kooxo hubeysan, iyo sidoo kale tiro aan la garaneyn oo ku jirta xarumo aan qummanayn oo ay maamulaan dadka wax tahriibiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM