Madaxwayne dhintay oo lagu helay caddeymo is-dabamarin

Image
Caddeymahan ayaa si gaar ah waxay u khuseeyaan in uu qaatay laaluush boqolaal kun doolar ah.

LONDON, UK - Baaritaan ay sameysay BBC Panorama ayaa waxaa lagu helay caddeymo muujinaya in mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Britain ay laaluush siisay hoggaamiyihii hore ee Zimbabwe, Robert Mugabe.

Dukumentiyada ayaa muujinaya in British American Tobacco (BAT) ay ku lug lahayd wadaxaajoodyo lagu siinayo xisbiga Mugabe ee Zanu-PF inta u dhaxaysa $300,000 iyo $500,000.

Sidoo kale dukumiintiyada ayaa tusinaya in BAT ay laaluush ka bixinaysay Koonfur Afrika isla markaana ay goobeysa badbaado sharci -darro ah si ay u dhaawacdo dadka iska soo horjeeda.

BAT oo gaashaanka ku dhufatay dhamaan eedeymahan ayaa waxay ku adkeysatay inay ka go'an tahay heerarka ugu sarreeya ee anshaxa shirkadaha.

Madaxweyne Mugabe 37-kii sano ee uu xukunka hayay ayaa waxaa lagu xaqiijiyey doorashooyin ay hareeyeen eedeymo la xiriira wax isdaba marin iyo rabshado.

Waxaa xukunka laga tuuray sanadkii 2017 -kii wuxuuna dhintay 2019. Xisbiga talada haya ee Zanu PF ayaa hadda hoggaan cusub haya. Asbuucaan waxaa dib loosoo saarayaa meydkiisa si dib loogu aaso.

Soo saaritaanka meydkiisa ayaa ka dambeysay markii mid kamid ah hogaamiye dhaqameedyada dalkaas uu ku doodey in kalkii hore la baalmaray caado dhaqameedka. Maxkamad ayaana xukmisay in dib loo aaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM