Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo ku wajahan Addis Ababa [Sabab]

Image

JIGJIGA- Kadib markii mudaharaadyo rabshado wata ka dhaceen caasimada dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in guulo laga gaarey wadahadal dhemareyey 24 saac lasoo dhaafey sarkiil ka socota dowlada Federaalka ah iyo maamulka uu hogaamiyo Cabdi Ileey.

Wararka uu warsidaha Garowe Online ka heley ilo kalsoon yahay oo ka ag dhow maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabi Ileey uu xilkii ku wareejiyey Wasiirkiisa Maaaliyada inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenkiisa Axmad Ilkacase 

Wadahadalka dhexmarey madaxda maamulka Somalida degaanka iyo dowlada Federaalka itoobiya ayaa dhinaca kale waxaa goob joog ahaa waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka kuwasoo lagaga hadlay sidii loo xakameyn lahaa xalaada amni ee ka taagan guud ahaan gobolka.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa 4 August,2018 weerar ku qaadey xarumaha looga arimiyo maamulka dowlada degaanka Soomaalida kuwasoo sababey dhimasho iyo boob loo gaysto hantida dadka kasoo jeeda qowmidiyaha kale ee dagan magaalada Jigjiga.

Magaalada Dire Dawa oo ah caasimada Labaad ee dalka Itoobiya ayaa sidii kale waxa ka dhacey rabshado ay isaga horyimadeen qowmidiyaha Soomaalida iyo Oramada ku nool halkaas. Ciidamada Federaalka ayaa lasoo dhoobey jidadka magaladaas kuwasoo xixirey dad u badan qowmiyada oramada kuwasoo lagu tuhmiyay iney dambeeyaan rabshadaha ka dhacey Dire Dawa.

Faahfaahin warkaan waxaad ka sugtaa warsidaha Garowe online

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM