Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Image

Dar es Salaam, 13 Noofambar 2025 — Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, ayaa maanta magacaabis rasmi ah ku shaacisay Ra’iisul Wasaare cusub, kaddib doorasho muran dhalisay oo dalkaasi ka dhacday bishii Oktoobar, taas oo ay daba socdeen mudaharaadyo rabshado watay oo ay ururada xuquuqul insaanku sheegeen in ay ku dhinteen boqolaal qof.

Madaxweynaha ayaa xilkan u magacowday Dr. Mwigulu Nchemba, oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda iyo xubno kale oo ka tirsanaa golihii wasiirrada ee xilligii madaxweynihii hore, John Pombe Magufuli.

Baarlamaanka Tanzania ayaa si ku dhow cod buuxa u ansixiyay magacaabistiisa, arrin aan la filayn in caqabado ka yimaadaan, maadaama Madaxweyne Samia ay doorashadaas kaga guuleysatay si aqlabiyad ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Nchemba ayaa ballanqaaday inuu si daacad ah ugu adeegi doono shacabka Tanzania, isaga oo sheegay in uu diiradda saari doono kobcinta dhaqaalaha iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee uu dalku wado.

Dowladda Tanzania ayaa saadaalisay in dhaqaalaha dalka uu kor u kici doono 6% sanadkan 2025, taasoo ay gacan weyn ku leeyihiin mashaariicda dhismaha waddooyinka, tareennada iyo korontada.

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas, inkastoo uu jiro hoos u dhac ku yimid kaalmooyinka caalamiga ah, oo ay kamid yihiin kuwa Maraykanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM