Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Image

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa khudbad uu ka jeedinayey magaalada Kehancha ee gobolka Migori ayaa waxaa si lama filaan ah kab ugu tuuray qof kamid dadweynihii halkaas ku sugnaa.

Ruto ayaa goobta u yimid si uu u daahfuro mashruuc guryo raqiis ah, waxaana uu hadalkiisa ku xusay qorshayaasha dowladdiisu ku doonayso in lagu yareeyo sicir-bararka. Balse khudbaddiisa ayaa hakad gashay kadib markii kab si toos ah loogu tuuray, taasoo ku wajahnayd wejigiisa, inkastoo uusan waxyeello gaarsiin.

Ilaalada Madaxweynaha ayaa si degdeg ah uga falceliyey, waxayna gacanta ku dhigeen ninkii kabta tuuray oo ku dhex jiray dadkii madasha fadhiyey. Madaxweynaha ayaa markaas faray in la sii daayo ninkaasi, isagoo muujiyey deganaan.

Dhacdadan ayaa fajaciso ku noqotay dadkii soo qaban-qaabiyey safarka madaxweynaha, kuwaas oo dadaal xooggan geliyey in madaxweynaha madasha la keeno. Waxaa sidoo kale la adkeeyey ammaanka goobta dhacdadaan kadib, iyadoo dadkii loo raray meel ka fog halkii uu madaxweynuhu taagnaa.

Bevine Bhoke, oo ah haweeney ka tirsan xisbiga UDA kana socota deegaanka Kuria, ayaa cambaareysay falkii dhacay, iyadoo sheegtay inuu dhaawacayo magaca deegaanka. “Aniga oo ku hadlaya magaca bulshada Kuria, waxaan madaxweynaha uga mahadcelinayaa mashaariicda uu noo keenay, waana ka xunnahay dhacdadaas,” ayay tiri.

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha uu shacabka deegaanka u keenay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin wadooyin, adeegyo iyo fursado horumarineed, taasoo aan mudneyn in lagu abaalmariyo falal noocaas ah.

Inkastoo dhacdadu ahayd mid aan horey loogu baran safarada madaxweynaha, haddana Ruto ayaa si taxaddar leh u xakameeyey xaaladda, isagoo ku adkeystay in la dhowro xasilloonida iyo is-ixtiraamka shacabka iyo hoggaankooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Libya oo Dib u billowday Sahaminta Shidaalka Badda Xili Dalka uu wajahayo Amni darro

Inkasta oo Libya ay weli wajahayo qalalaase siyaasadeed tan iyo ridistii xukunka Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

  • Afrika

    06-10-2025

  • 06:09AM

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Mar Kale Ku Celiyey In Dalkaasi Uu Heli Doono Marin-Badeed  

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, ka dib markii bishii Janaayo ee 2024.

  • Afrika

    04-10-2025

  • 12:00PM