Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Image

Beijing – Madaxweynaha Kenya, Dr. William Ruto, ayaa booqasho shan maalmood qaadaneysa ku tagey dalka  Shiinaha, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee taga Beijing tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu markale xafiiska la wareegay, isla markaana uu bilaabay siyaasado ganacsi oo cusub kuwaas oo saameyn ku yeeshey dalal badan oo ay Kenya ku jirto.

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur cusub oo 10% ah oo saameyneysa dhammaan badeecooyinka laga keeno 185 dal, kuwaas oo ay ku jirto Kenya. Canshuurahan ayaa si gaar ah u taabanaya badeecadaha ka faa’iideysta barnaamijka AGOA (African Growth and Opportunity Act) oo ah sharci uu Mareykanku ansixiyay sannadkii 2000 si uu kor ugu qaado ganacsiga iyo horumarka dhaqaale ee dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha. Sharcigaan ayaa  muddo dhow dhacaya. Barnaamijkan ayaa si weyn uga faa’iideystay Kenya, iyadoo in ka badan kala bar badeecooyinkeeda si canshuur la’aan ah ugu dhoofin jirtay Mareykanka.

Kenya oo Eegaysa Bari iyadoo Galbeedku Culeys Saarayo

Xukuumadda Nairobi ayaa safarkan u aragta mid fure u noqon kara helitaanka fursado dhaqaale oo cusub, maadaama xaalada ganacsiga caalamka ay tahay mid aan la saadaalin karin. Madaxweyne Ruto wuxuu doonayaa in uu la yimaado heshiisyo cusub oo maalgashi oo dhanka Shiinaha ah, si gaar ah kuwa la xiriira mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxyaabaha mudnaanta leh ee laga filayo in laga wada hadlo waxaa kamid ah mashruuca ballaarinta Tareenka Xawaaraha Dhexe (SGR) ee Naivasha ilaa Malaba, maalgelinta waddooyin waaweyn sida Nairobi–Mau Summit, iyo hormarinta dekedaha dalka, kuwaas oo qayb ka ah hindisaha Shiinaha ee Belt and Road Initiative.

Wadahadallo Sare iyo Iskaashi Dhaqaale

Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu la kulmo Madaxweyne Xi Jinping, si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha, horumar waara, iskaashi ganacsi iyo teknoolojiyadeed, iyo xiriir cusub oo ku dhisan dan wadaag.

Sidoo kale, Ruto ayaa furey Kenya–China Business Forum, kaasoo ay ka qaybgalayaan in ka badan 100 shirkadood oo ka kala socda labada waddan. Shirkaasi wuxuu diiradda saaraya sidii fursado ganacsi, maalgashi iyo hal-abuurnimo loogu abuuri lahaa labada dhinac.

Shaaha Kenya oo Loo Furayo Suuqyo Cusub

Madaxweynaha ayaa sidoo kale daahfuray Kenya Tea Holding Centre oo ku taalla gobolka Fujian ee Shiinaha, taasoo kor u qaadi doonta suuq-geynta shaaha Kenya ee Aasiya, lana filayo inay taageerto beeraleyda yaryar iyo kororka wax-soosaarka dhoofka.

Afrika oo Iskaashi Cusub Raadineysa

Dr. Ruto wuxuu khudbad muhiim ah ka jeedin doonaa Jaamacadda Peking, isagoo diiradda saari doona aragtida Afrika ee hoggaaminta, kobaca loo dhan yahay.

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM