Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac

Image
Ciidamada Kongo iyo xoogaga M23 ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.

NAIROBI, Kenya - Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Rwanda iyo jabhadda M23 inay mas’uul ka yihiin duqeyntii lala beegsaday xeradda barakac ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Ugu yaraan sagaal qof, oo ay ku jiraan toddobo carruur ah, ayaa waxaa lagu dilay duqaynta ka dhacday xerada Mugunga ee bariga magaalada Goma Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay.

Ciidamada Kongo iyo xoogaga M23 ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.

Rwanda oo xuduud la leh DR Congo ayaa si weyn loogu eedeeyaa inay taageerto jabhadda, waxayna eedeynta Mareykanka ku tilmaantay wax lagu qoslo.

Afhayeen u hadlay dowladda Rwanda, Yolande Makalo, ayaa sheegay in ciidamada Difaaca Rwanda (RDF) ay yihiin ciidan xirfad leh oo aan weligood weerarin xerada barakacayaasha gudaha (IDP).

Duqeyntan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii dagaalyahanada M23 ay sheegteen in ay qabsadeen magaalada Rubaya – oo ah meel xudunta u ah macdanta laga sameeyo taleefannada gacanta iyo baytariyada baabuurta korontada.

Jabhadda M23 ayaa waxaa la aas-aasay sannadkii 2012-kii si ay u difaacdo qowmiyadda Tutsi-ga ee ku nool bariga waddanka DR Congo, kuwaas oo muddo dheer ka cabanayey cadaadis iyo takoorid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM