Mareykanka oo toos u siinaya maalgelin caafimaad Kenya, Marco Rubio oo weeraray ha’adaha caalamiga

Image

NAIROBI (GO) — Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay hannaan cusub oo lagu maalgelinayo mashaariicda caafimaadka kuwaas oo toos loogu wareejinayo dowladda Kenya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa Nairobi kula  saxiixday Madaxweyne William Ruto heshiis lagu qiimeeyey in ka badan hal bilyan oo doolar.

Intii ay munaasabada heshiisku socotey, Rubio wuxuu si toos ah u weeraray hay’adaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn, isagoo ku tilmaamay “NGO industrial complex,” kana digay in aan dib loo wadi doonin in malaayiin doollar lagu wareejiyo hay’ado aan lahayn isla xisaabtan dowladeed.

“Ma sii wadi doonno maalgelinta NGO-yada halka saaxiibbo muhiim ah sida Kenya aysan wax saameyn ah ku lahayn sida lacagta loo isticmaalo,” ayuu yiri Rubio, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah waxa Mareykanka ugu yeeray America First Global Health Strategy, waxaana ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha caafimaadka Kenya lagu wareejinayo si ay dowladda toos ugu maamusho, halkii ay NGO-yo u dhexeeya la siin lahaa. 

Madaxweyne William Ruto, oo goobta ka hadlay, wuxuu sheegay in qaabkan cusub uu xaqiijinayo mas’uuliyad toos ah, isla markaana dowladda Kenya ay yeelanayso awood dambe oo ku saabsan qorshaynta, kormeerka, iyo fulinta adeegyada caafimaadka.

Rubio ayaa sheegay in qaabkani uu ahmiyad gaar ah siinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo in barnaamijyada caafimaadka sida HIV/AIDS, duumada, caafimaadka hooyada iyo carruurta,  si ay toos ah ugaga faa’iideystaan shacabka Kenya.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee America First Health Strategy lagu fuliyo Afrika, waxaana la filayaa in uu noqdo hab dowladeed  tijaabo ah, ka hor inta aan loo gudbin dalal kale oo qaaradda ah, haddii uu guuleysto.

Garowe Online—2025

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM