Markabkii ugu horeeyay oo Itoobiya leedahay oo ku xirtay dekada Eritrea [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Markabkii ugu horeeyay oo ganacsi oo ay leedahay dowladda Itoobiya, ayaa ku xirtay maanta oo Arbaco ah Dekedda Massawa, oo ku taalla dalka Eritrea, markii ugu horeysay mudo 20 sano ah.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Eritrea, Isaisa Afwerki iyo mas'uuliyiin labada dowladood katirsan ayaa ku sugnaa dekadda, xilliga uu kusoo xirtay Markabka xamuulka qaada ee "Mekelle".

Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya Markabkan, oo ay ka dul-babanayaan calamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea, waxaana la filayaa inuu shixnado ganacsi kasoo qaado dekadda Massawa.

Markabka oo ka yimid Sacuudiga ayaa waxa uu kasoo qaadi doonaa Eritrea 11,000 tan oo ZINC ah, oo uu u geyn doono dalka Shiinaha, sida ay baahisay warbaahinta Eritrea maanta.

Abiy Axmed ayaa bogaadiyay dedaallada ay wado dowladda dalka Eritrea, ee ay ku horumarinayso adeegyadda dekadaha iyo wadooyinka, taasoo ah tallaabo loo qaaday dhanka horumarka dhaqaalaha.

Waxa uu Abiy sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan hergelinta heshiis ka kooban 5 qodob oo bishii July ee sanadkan uu isaga kula soo saxiixday Asmara Madaxweynaha Eritrea, Isaisa Afwerki.

Dalka Itoobiya oo shacabkiisu gaarayo 100-milyan ayaanan lahayn wax dekad ah, balse xukuumadda Abiy Axmed ayaa qorsheynaysa in Dekadaha Eritrea ay u noqdaan isha ugu wyen ee ay wax kasoo degsadaan.

Arintan ayaa ka tarjumeysa tallaabo Itoobiya uga maarmi doonto ku tiirsanaantii Dekadaha Jabuuti.

Itoobiya ayaa leh 12 markab oo kuwa xamuulka qaada, waxaana dalka uu dhawaan shaaciyay inuu sameysanayo ciidamada kuwa badda ah, taasoo dad badan oo caalamka ku nool aad uga yaabisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM