Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas
Qaahira – Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay inay sii xoojiyaan iskaashiga siyaasadeed iyo kan amni kadib wadahadal taleefan oo dhexmaray wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal, dhowr maalmood uun kadib markii Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi uu magaalada El Alamein ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar, Badr Abdelatty, iyo dhiggiisa Eritrea, Osman Saleh, ayaa Khamiistii telefoon ku wada hadlay, iyagoo amaanay xiriirka labada dal isla markaana adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso waxyaabihii horay loogu guuleystay, sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda Masar, oo uu ka mid yahay Ahram Online.
Wicitaankan wuxuu daba socday booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh uu July 6 ku tagay El Alamein, halkaas oo Masar ay mar kale ballanqaaday inay kordhin doonto taageerada ciidan ee ay siineyso Soomaaliya. Sida ku cad heshiis amni oo dhacay bishii Agoosto 2024, Masar ayaa tababar u siineysa cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliya, waxayna qorsheynaysaa inay ciidamo ku biiriso howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo beddelaya ATMIS.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ay soo saartay kadib kulankaas ku sheegtay in kororka kaalmada milatari ee Masar ay tahay "xoojinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo ilaalinta baddaheeda."
Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya ama ay qalqal geliso Badda Cas, waxay la kulmi doontaa jawaab adag.” Masar ayaa ku taageertay hadalkaasi tallaabooyin muuqda, oo ay ka mid yihiin gaarsiinta taageero ciidan Soomaaliya bishii Agoosto iyo ballanqaad ay sameysay Diseembar in ciidamo ay Masar u dirto howlgalka AUSSOM.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bilihii u dambeeyay wadashaqeyn dhow la yeelatay Eritrea iyo Jabuuti, si ay uga jawaabto is-afgaradkii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, kaasoo Itoobiya loogu ogolaanayo saldhig ciidan oo ku yaal Gacanka Cadmeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah u diiday heshiiskaasi, iyadoo ku tilmaantay mid baalmaray madax-bannaanideeda dhuleed.
Wadahadalladii ay Turkigu dhexdhexaadinayeen si loo xalliyo khilaafkaas ayaa burburay toddobaadkii hore. Maadaama wadaxaajoodyadaas hakad galeen, dowladda Soomaaliya ayaa u jeesatay xoojinta xiriirka ay la leedahay Masar iyo waddamada Jaamacadda Carabta si ay u taageeraan mowqifkeeda ku aaddan xuduudaha badda iyo dhulka.
Eritrea, oo xiriir adag la leh Itoobiya tan iyo burburkii heshiiskii Pretoria ee 2023, waxay si buuxda u taageertay istiraatijiyadda Masar ee gobolka. Iskaashiga saddex-geesoodka ah ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo dhisay intii lagu jiray shirkii October 2024 ee Asmara, halkaas oo lagu ballanqaaday in la ilaaliyo madax-bannaanida Soomaaliya lana mideeyo dadaallada diblomaasiyadeed ee gobolka.
GAROWE ONLINE