Masar oo la wareegtay Hogaanka Gollaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika 

Image

QAHIRA, Masar — Masar ayaa Axadda Maanta ah la wareegtay hogaanka wareega bil kasta ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, iyadoo ballanqaaday in ay mudnaanta siiso dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka taagan Sudan iyo Soomaaliya.

Hogaankan, oo bilaabmay 1-da Febraayo, ayaa imanaya xilli qaaradda Afrika ay wajahaysaa caqabado is biirsaday oo ay ka mid yihiin dagaallo hubeysan, isbeddelada siyaasadeed ee jilicsan, amni darro cunto, iyo culeyska isbeddelka cimilada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Dadka Masaarida ee Dibadda.

Masar ayaa qorsheynaysa in ay qabato wadatashiyo aan rasmi ahayn oo heer wasiir ah oo ay la yeelato Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudan, ka dibna labo kulan oo gaar ah oo heer wasiir ah oo diiradda lagu saari doono horumarka Sudan iyo Soomaaliya. Masar ayaa sheegtay in hogaankeeda uu ku salaysan doono in waxtarka Golaha la xoojiyo iyadoo la adeegsanayo hab dhameystiran oo isku xira nabad, amni iyo maamul, si waafaqsan qorshaha horumarinta muddada-dheer ee Midowga Afrika, Ajendaha 2063.

Wakilada Masar ayaa adkeeyay in hogaankooda uu raaci doono Heshiiska Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, iyagoo xusay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, midnimada dhuleed, ilaalinta hay’adaha qaran, iyo in aan faragelin lagu sameyn arrimaha gudaha ee dalalka xubnaha ka ah, mabaadii’da inta badan ka dhex dooda Golaha.

Barnaamijka hogaanka Masar waxaa ka mid ah kulamo gaar ah oo ka hadlayo saamaynta amniga ee isbeddelka cimilada, saameynta caqliga macmalka ah, iyo caqabadaha joogtada ah ee isbeddelada siyaasadeed ee qaaradda Afrika. Masar sidoo kale waxay hogaamin doontaa doodaha ku saabsan dib-u-dhiska iyo horumarinta ka dib khilaafaadka, oo ah qeyb ay hadda ka taliso gudaha Midowga Afrika.

Muddo hogaankan, Masar waxay soo bandhigi doontaa warbixinta sanadlaha ah ee Golaha inta lagu guda jiro shirka madaxda dowladaha ee Midowga Afrika, waxayna sidoo kale qorsheynaysaa booqashooyin goob-joog ah iyo wadatashiyo lala yeesho la-hawlgalayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo xoojiyo isku-duwidda dadaallada nabadda iyo amniga qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaan caayay Madaxweynaha Ivory Coast oo lagu xukumay 3 sano oo xabis ah

Gassama, oo ka qeybgalay mudaaharaad sanadkii 2018, ayaa caan ku ah hadalkiisa tooska ah iyo inuu si cad u muujiyo aragtidiisa siyaasadeed.

  • Afrika

    31-01-2026

  • 01:58PM

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM