Masar: “Tallaabo baan qaadi Doonnaa Haddii Abiy Axmed Khatar Geliyo Biyaha Niil”

Image

Qaahira — Dowladda Masar ayaa mar kale muujisay inay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo sharciyadu u oggol yihiin, oo ay ku jirto isdifaacid, haddii biyaha Niilka ama amnigeeda biyo ay khatar ka timaaddo maareynta Itoobiya ee Biyo-xireenka Weyn ee Renaissance (GERD), sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdel-Aty.

Isagoo wareysi siinayay Al Jazeera, Abdel-Aty wuxuu ku tilmaamay baahida biyaha ee Masar “arrin jiritaan” ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay in sharciga caalamiga ahi dejiyo qawaaniin waajib ah oo quseeya webiyada kala gudba dalalka, oo ay ku jiraan ogeysiis hore iyo waajibka ah in aan waxyeello la geysan.

“Waxaan 13 sano ku dedaaleynay wada-hadal,” ayuu yiri. “Nasiib darro, ma jirin wax muujiya daacadnimo ama diyaar-garow dhab ah oo dhinaca Itoobiya ah.”

Hadalladiisa ayaa imanaya kaddib marki Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya (MoFA) ay 2-dii December soo saartay bayaan ay ku diidday waxa ay ugu yeertay hadallo “kacsan” oo ka imaanaya Qaahira iyo “diidmo cad oo wada-hadalka ah” oo ku saabsan mashruuca GERD.

Bayaanka Itoobiya ayaa ku eedeeyay Masar inay wali ku jirto “maskax gumeysi,” isla markaana ay isu aragto sidii iyada oo keliya xaq u leh biyaha Niilka.

Abdel-Aty wuxuu sheegay in Masar ay u aragto geeddi-socodka wada-hadallada mid soo afjarmay, isaga oo ku adkaystay in dalkiisu leeyahay xaq uu ku difaaco danihiisa haddii khatar dhab ah la kulmo, waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Dhankeeda, Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar “inay gebi ahaanba diidday inay gasho wada-hadallo wax-ku-ool ah,” oo ay ku tilmaamtay “mas’uuliyad-darro.” Waxa kale oo ay ku baaqday in beesha caalamku cambaareyso mowqifka Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM