Itoobiya oo xireysa dhismaha safaaradeeda Qaahira

Image
Itoobiya ayaa dhawaan qaadatay go’aan ay ku xireyso safaarado badan oo ay ku lahayd dalal badan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Safiirka Itoobiya u fadhiya Masar, Markos Tekle Rike, ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Itoobiya ee Qaahira ay joojin doonto shaqadeeda bisha soo socota saddex illaa lix bilood sababo dhaqaale awgood.

Rike ayaa cadeeyay in talaabadan aysan wax xiriir ah la lahayn khilaafkii ka dhashay biyo -xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) ee u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan, sida lagu qoray website-ka rasmiga ah ee Masar Ahram Axaddii.

Sida lagu sheegay warbixinta, Rike ayaa xusay in shaqada ay mudadaas u socon doonto si ku meelgaar ah. Itoobiya ayaa dhawaan qaadatay go’aan ay ku xireyso safaarado badan oo ay ku lahayd dalal badan sababo la xiriira musiibo dhaqaale.

Go’aanka lagu xiray qunsulyadda Qaahira ayaa ku soo beegmaya xilli muranka GERD uu hareeyay xiriirka Itoobiya la leedahay waddamada deriska la ah ee Masar iyo Suudaan.

Qaahira iyo Khartuum waxay ka dalbanayaan Addis Ababa inay saxiixdo heshiis sharci ku qotoma oo ku saabsan buuxinta iyo siyaasadaha hawlgalka GERD si loo ilaaliyo xuquuqdooda biyaha.

Balse, xukuumadda fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaa sheegtay inaysan saxiixi doonin heshiiskaas iyadda oo cuskatay wax ay ugu yeertay ilaalinta "danaha qaranka Itoobiya".

Kadib tobanaan sano oo wadahadal ah oo u dhexeeyay saddexda dal, wada xaajoodku wuxuu gaaray ismari waaga xagaaga 2021 kadib markii Itoobiya ay go'aansatay in go'aan hal dhinac ay ay sii waddo buuxinta labaad ee GERD.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM