Maxay yihiin Shuruudaha Abiy Axmed ku xiray joojinta dagaalka Itoobiya?

Image

ADDIS ABABA - Xukuumadda Abiy Axmed ayaa hordhigtay TPLF saddex shardi oo lagu gali karo heshiis xabad-joojin oo ka hirgela gobolka Tigray.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dina Mufti ayaa Addis Ababa ugu sheegay warbaahinta in hadii TPLF doonayso in xabad-joojin lala galo looga baahan yahay saddexdan qodob inay marka hore fuliso:

1 - Inay weerarada joojiso

2 - Inay ka baxdo gobollada Amhara iyo Afar

3 - Inay aqoonsato dowladda dalka ka jirta

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP dhamaadkii todobaadka in ka bixitaanka gobollada Amhara iyo Afar ka hor intaysan bilaabmin wadahadalada ay tahay "wax aan bilow ahayn".

Shuruudaha ayaa imaanaya maalmo kadib markii ergay ka socota Mareykanka iyo Midowga Africa ay tageen Itoobiya, kadibna ay la kulmeen dhinaca isku haya colaadda dalka 2aad ee ugu dadkan badan Africa.

Xoogaga mucaaradka ayaa dhawaan la wareegay magaallo katirsan gobolka Amhara, oo 200 oo mile u jirat Addis Ababa, iyagoo ku goodiyay inay la wareegi doonaan Caasimadda.

Laakiin dawladdu waxay ku eedaysay kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda inay buunbuuniyeen qabsashadda dhuleed, waxayna ku adkaysanaysaa in dagaalka waqooyiga "uusan imanayn caasimadda".

TPLF ayaa doonaysa in dowladda ay go'doominta gargaarka bini'aadanimo ka qaado gobolka Tigray ee ay u dagaalamayso, kaasoo wax kaalmo ah la gaarsiin tan iyo October 18, kadib markii laga jaray gurmadka caalamka.

Baabuur sida gargaar oo lagu qiyaasy 364 ayaa ku xayiran caasimadda gobolka Afar, waxaana la xiray ku dhawaad 100 shaqaale katirsan WFP, kuwaasoo dowladda u aragtay inay taageersan yihiin TPLF.

Dagaalka Itoobiya oo socda ku hal sano ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga digayaa in uu isku bedelo colaad sokeeye oo dhamaan qowmiyadaha dalka gaara. Wuxuu dalka qarka u saaran yahay qaran-bur-bur, waxaana hadii xal loo waayo xaaladda saameyn ku yeelan doonaa gobolka Geeska Africa.

Tigreeda waa qowmiyad yar oo 6 milyan lagu qiyaaso, laakiin saameyn bey dalka ku lahaayeen 30-sano ee lasoo dhaafay, iyagoo xukun haystay kahor inta Abiy oo kasoo jeeda Oromada aan xafiiska imaan 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM