Midowga Africa oo soo dhaweeyay Heshiiskii Asmara

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika (AU), Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhaweeyay saxiixa heshiiska Wadashaqeyn ee Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ku gaareen Asmara, 5tii September 2018.

Moussa ayaa amaanay booqashadii wasiiradda Arrimaha Dibadda saddexdan ee Jabuuti, 6dii September 2018, taasoo qayb ka ah dadaalada kor loogu qaadayo deris wanaagga, nabada iyo xasiloonida gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay hoggaamiyeyaasha Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo Somalia dedaallada ku aadan inay bog cusub u furaan xiriirkooda, islamarkaana ay sameeyaan iskaashi dhinac walba leh.

"Tallaabooyinka la qaadey waa kuwa muhiim ah oo ka mid ah dadaalka Afrika ee ah in lasoo ajjaro colaadda 2020 iyo in la dhiirrigeliyo is dhex-galka gobolka iyo guud ahaan qaaradda, si waafaqsan qorshaha 2063," ayuu yiri Moussa.

Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay gudoomiyaha in wax aad loogu farxo ay yahay inay arkaan dhibaatada Africa oo hogaamiye-yaasheeda xalinayaan, islamarkaana ay u istaagaan midnimada iyo wadajirkooda.

Guddoomiyaha ayaa mar kale ku celiyay in Midowga Afrika uu taageerayo heshiiska cusub ee Somalia, Eritrea iyo Ethiopia, kuwaasoo xal ka gaarey khilaafaadkii u dhaxeeyay, iskuna raacay inay iskaashadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM