Midowga Africa oo soo dhaweeyay Heshiiskii Asmara

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika (AU), Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhaweeyay saxiixa heshiiska Wadashaqeyn ee Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ku gaareen Asmara, 5tii September 2018.

Moussa ayaa amaanay booqashadii wasiiradda Arrimaha Dibadda saddexdan ee Jabuuti, 6dii September 2018, taasoo qayb ka ah dadaalada kor loogu qaadayo deris wanaagga, nabada iyo xasiloonida gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay hoggaamiyeyaasha Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo Somalia dedaallada ku aadan inay bog cusub u furaan xiriirkooda, islamarkaana ay sameeyaan iskaashi dhinac walba leh.

"Tallaabooyinka la qaadey waa kuwa muhiim ah oo ka mid ah dadaalka Afrika ee ah in lasoo ajjaro colaadda 2020 iyo in la dhiirrigeliyo is dhex-galka gobolka iyo guud ahaan qaaradda, si waafaqsan qorshaha 2063," ayuu yiri Moussa.

Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay gudoomiyaha in wax aad loogu farxo ay yahay inay arkaan dhibaatada Africa oo hogaamiye-yaasheeda xalinayaan, islamarkaana ay u istaagaan midnimada iyo wadajirkooda.

Guddoomiyaha ayaa mar kale ku celiyay in Midowga Afrika uu taageerayo heshiiska cusub ee Somalia, Eritrea iyo Ethiopia, kuwaasoo xal ka gaarey khilaafaadkii u dhaxeeyay, iskuna raacay inay iskaashadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM