Midowga Afrika oo hakiyey xubinimadda waddanka Suudaan

Image
Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Bangiga Adduunka uu ku raacay Mareykanka joojinta gargaarka Suudaan.

KHARTUUM, Sudan - Ururka Midowga Afrika ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu hakiyey xubinimadda Suudaan kaddib afgambigii todobaadkan ka dhacay waddankaas.

Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta bartiisa Twitter-ka ku soo qortay warka ku saabsan joojinta. Talaabadan waxay ahayd mid si weyn isha loogu hayey.

Sida ku xusan war-murtiyeed kasoo baxay guddiga, hakinta ayaa soconeysa "illaa si wax ku oolka ah dib loogu soo celinayo awooda dowlad rayid ku meelgaar ah oo doorasho qabata".

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Bangiga Adduunka uu ku raacay Mareykanka joojinta gargaarka Suudaan ka dib markii si weyn loo cambaareeyay la wareegitaanka militariga.

Dhanka kale, shaqaalaha shidaalka iyo dhakhaatiirta ayaa ku biiraya ololaha shacabka ee ku baaqaya in milatariga uu dib ugu laabto saldhigyadda xukunkana rayidka ku wareejiyo.

Si kastaba ha ahaatee, wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abdela Hamdok iyo xaaskiisa ay hoygooda dib ugu laabteen ayaga oo si weyn loo ilaalinayo.

Tafaasiisha ayaa muujineysa khilaaf u dhaxeeyay waaxda milatariga iyo mas'uuliyiinta madaniga ah ee wada hogaaminaya dowladda KMG ah ee Suudaan uu horseeday afgambiga ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM