Midowga Afrika oo hakiyey xubinimadda waddanka Suudaan

Image
Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Bangiga Adduunka uu ku raacay Mareykanka joojinta gargaarka Suudaan.

KHARTUUM, Sudan - Ururka Midowga Afrika ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu hakiyey xubinimadda Suudaan kaddib afgambigii todobaadkan ka dhacay waddankaas.

Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta bartiisa Twitter-ka ku soo qortay warka ku saabsan joojinta. Talaabadan waxay ahayd mid si weyn isha loogu hayey.

Sida ku xusan war-murtiyeed kasoo baxay guddiga, hakinta ayaa soconeysa "illaa si wax ku oolka ah dib loogu soo celinayo awooda dowlad rayid ku meelgaar ah oo doorasho qabata".

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Bangiga Adduunka uu ku raacay Mareykanka joojinta gargaarka Suudaan ka dib markii si weyn loo cambaareeyay la wareegitaanka militariga.

Dhanka kale, shaqaalaha shidaalka iyo dhakhaatiirta ayaa ku biiraya ololaha shacabka ee ku baaqaya in milatariga uu dib ugu laabto saldhigyadda xukunkana rayidka ku wareejiyo.

Si kastaba ha ahaatee, wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abdela Hamdok iyo xaaskiisa ay hoygooda dib ugu laabteen ayaga oo si weyn loo ilaalinayo.

Tafaasiisha ayaa muujineysa khilaaf u dhaxeeyay waaxda milatariga iyo mas'uuliyiinta madaniga ah ee wada hogaaminaya dowladda KMG ah ee Suudaan uu horseeday afgambiga ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM