Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Image

ADDIS ABABA - Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay hindise shan qodob ka kooban oo ay soo bandhigeen dalalka Shiinaha iyo Pakistan, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu qaboojiyo xiisadda ka aloosan gobolka Gacanka iyo Bariga Dhexe.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay qorshahan mid waqtigii loogu talagalay ku soo aaday, isla markaana gacan ka geysanaya dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro colaadda hadda jirta.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qodobbada ay soo jeediyeen Shiinaha iyo Pakistan, oo ay ka mid yihiin joojinta degdegga ah ee dagaalka, ilaalinta dadka rayidka ah, ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo sugidda amniga marinnada maraakiibta, ay yihiin tiirarka aasaasiga ah ee loo baahan yahay si loo xakameeyo dhibaatada taagan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar kale muujiyay walaaciisa xooggan ee ku aaddan dagaalka sii kordhaya, isagoo xusay inay saameyn ballaaran ku yeelatay dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan dhanka tamarta iyo sahayda cuntada.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan, isagoo ku baaqay in dhinacyada is-hayaan ay muujiyaan is-xakameyn buuxda.

Midowga Afrika ayaa caddeeyay in xal waara lagu gaari karo oo kaliya wada-hadal iyo gorgortan ka fog xoog, iyadoo ururku uu ballan-qaaday inuu kala shaqayn doono hay’adaha caalamiga ah sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo amniga gobolka Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM

Itoobiya oo Galaysa Doorasho Taariikhi ah: Isbeddelada Siyaasadda, Caqabadaha iyo Xisbiyada Tartamaya

In kasta oo tirada isdiwaangalisay ay sarrayso, haddana dad badan oo reer Itoobiya ah ayaa ka qatan doorashadan sababo la xiriira.

  • Afrika

    31-05-2026

  • 06:52PM